MW Turkiga oo billaabay Safaro uu ku tagayo Malaysia, Indonesia, Pakistan, Somalia & Ethiopia

0
73

MW Turkiga oo billaabay Safaro uu ku tagayo Malaysia, Indonesia, Pakistan, Somalia & Ethiopia

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa billaabay safarro xiriir ah oo isaga kala gudbayo Dalal dhaca Qaaradaha Aasiya iyo Afrika si uu usoo xoojiyo xiriirka Dalkiisa uu la wadaago Dalalkaas uu socodka ku marayo.

Sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin katirsan Madaxtooyada Turkiga, Madaxweyne Erdogan ayaa muddo 3 cisho ah ku socdaali doonna Malaysia, Indonesia iyo Pakistan waxaana safarkaan uu noqonaya 10ka Febaraayo oo berri ah ilaa 13ka isla bishaan.

Wararka ayaa intaas ku daraya in kaddib uu safar ugu soo jiheysan doonno Qaaradda Afrika isaga oo maraya Soomaaliya & Itoobiya sida ay sheegayaan ilo ku dhow xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga Recep Tayyip Erdogan.