Muxuu Yahay Meeqaamka Sare Ee Mareykanka U Aqoonsaday Dalka Qatar?

0
236

Muxuu Yahay Meeqaamka Sare Ee Mareykanka U Aqoonsaday Dalka Qatar?

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in maamulkiisu uu doonayo in uu u aqoonsado dowladda Qatar meeqaamka dal “Xulafo weyn la ah oo ka baxsan NATO “, taasoo u ogolaaneysa in uu xiriir milateri iyo mid ganacsi oo ballaaran uu dhex maro labada dal.

Biden ayaa si cad u sheegay xilli uu Aqalka Cad wadahadalo kula yeeshay Amiirka Qatar Tamim bin Hamad in tallaabadan ay tahay mid muddo dheer la filayay.

Biden ayaa sheegay in labada dhinac ay ka wada hadleen arrimaha amniga bariga dhexe, tamarta caalamka iyo taageerada Afqaanistaan.

Amiirka Qatar ayaa ku tilmaamay wadahadalka uu la yeeshay Biden inuu ahaa mid miro dhal ah, isagoo xusay inay ka wada hadleen horumarka gobolka iyo kan guud ahaan caalamiga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here