Muxuu Yahay Ganaaxa Lagu Riday Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson?

0
511

Muxuu Yahay Ganaaxa Lagu Riday Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson?

Booliska dalka Ingiriiska ayaa sheegay in la ganaaxay r’iisul wasaare Boris Johnson, iyo wasiirkiisa maaliyadda Rishi Sunak, kadib markii la sheegay inay jabiyeen xayiraadaha covid-19.

Saraakiisha ayaa sheegay in ay baaritaan ku sameynayaan 12 xafladood oo ka dhacay xafiisyada dowladda xilligii ay jireen xayiraadaha fayriska karona oo ay mabnuuc ahayd in la isku yimaada.

Ugu yaraan saddex munaasabadood ayuu ka qayb galay ra’iisul wasaare Johnson. Hoggaamiyaha xisbiga shaqaalaha ee mucaaradka ah Keir Starmer, ayaa ugu baaqay Boris inuu is casilo.

Wuxuu sheegay in r’iisul wasaare Boris Johnson iyo wasiirka maaliyadduba ay sharciga jabiyeen isla markaana ay marar badan been sheegeen. Xaaska Bosris Johnson oo lagu magacaabo Carrie, ayaa Iyana la ganaaxi doonaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here