Muxuu Salka Ku Hayaa Isxulafaysiga Turkiga Iyo Qaarada Africa

0
343

Muxuu Salka Ku Hayaa Isxulafaysiga Turkiga Iyo Qaarada Africa

Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga waxaa isugu tagay madax ka soctaa dalalka Afrika waxaana halkaa ka dhacaya Shirweynaha Madasha Iskaashiga Turkiga iyo dalalka Afrika. Waxaana loo arkaa shirkaan mid uu Turkigu ku doonayo inuu galaan-gal wanaagsan u yeesho isla markaana uu xoojiyo xiriirka uu la leeyahay dalalka Afrika. Waxyaabaha shirkaan iskaashiga xoogga lagu saarayo waxaa ka mid ah arrimaha dhaqaalaha iyo siyaasadda ee dalka Turkigu la leeyahay Afrika.

Shirkaan madaxda ka qayb galaysa waxaa ka mid ah madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi farmaajo wuxuuna kulan la yeeshay dhigiisa dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan. Qoraal lagu daabacay bogga Faceboog ee madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu yiri: “Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka saaxiibtinnimo iyo iskaashiga qodotada dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, sidoo kale waxaa kulanka diirradda lagu saaray dardar gelinta qorsheyaashii hore ee iskaashiga dhinacyada amniga, waxbarashada, caafimaadka, dhaqaalaha, maalgashiga iyo horumarinta,”.

Kulankaan ay yeesheen Farmaajo iyo Erdogan ayaa qayb ka ahaa kulan doceedyo uu madaxweynaha martida loo yahay la yeellanayo madaxda Afrika ee shirka ka qayb galaya ee ku sugan dalkiisa.
Maxay tahay danta Turkigu ka leeyahay Afrika?
Dadka ka faallooda arrimahaan ayaa sheegaya in tan iyo markii madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu xukunka qabtay uu galay dadaal uu xoogga ku saarayo sidii uu xoojin lahaa xiriirka uu la leeyahya dalalka qaaradda Afrika. Shirkaan hadda dhacaya waxaa ka horeyay dhowr shir oo kale oo kala dhacay sanadihii 2008-dii iyo 2004-tii.Turkigada ayaana aaminsan sida dadka qaar ay qabaan in mushkiladda ka jirta Afrika dhexdeeda ay iyadu xalisato oo aan la dhex galin.

“Turkigu wuxuu aaminsanyahay mad’a ah in mushkillada Afrikaanka ay xalliyaan iyaga dhexdooda sidaas daraadeed Turkidu ma dhex gasho arrimaha Afrika” ayuu yiri Dr Axmed Sheekh Maxamed (Axmed Tiir) oo ka faallooda arrimaha islaamka iyo caalamka. Dowladda madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa muhiimadda siinaysa inay Afrika ku yeellato galaan-gal siyaasdeed iyo mid dhaqaale oo xooggan.

Madaxda dalalka Afrika ayaa iyaguna aaminsan in Turkigu uu yahay mid ka mid ah dalalka ugu muhiimsan caalamka ee ay la leeyihiin xiriirka saaxiibtinimo isla markaana ay ka heli karaan tallaabooyinka dhanka horumarka ah ee ay hiigsanayaan. Dhinacayada ay filayaan in Turkigu ka caawin karo waxaa ka mid ah amniga gaarahaanna la dagaalanka argagixisada iyo inuusan shuruudo ku xireynin sida qaar ka mid ah dalalka reer galbeedka.
Sanadihii la soo dhaafay Turkigu wuxuu xoojiyay oo ballaariyay safaaradihii uu ku lahaa dalalka Afrika taas oo la rumaysanyahay inay qayb weyn ka qaadatay isu dhaweynta qaaradda iyo Turkiga.

“Turkigu 2002-dii laba iyo toban safaaradood bes ayuu Afrika ku lahaa maantana afartan iyo afar safaaradooda ayuu Afrika ku leeyahay”. Waxaa sidaas BBC-da u sheegay Axmed Tiir. Sidoo kale waxaa kordhay is waydaarsiga ganacsiga ee Turkiga iyo dalalka Afrika.

Labada dhinac ayaa u muuqda in mid walba midka kale ka dhex arko maslaxadiisa marka loo eego baahida iyo qorshayaasha ay doonayaan inay gaaraan ee dhanka horumarka.

Turkiga ayaa hadda diyaaradihiisa dagaalka ee aan duuliyaha lahayn isla markaana casriga ah geeyay dhowr dal oo Afrikaan ah, tallaabadaas oo iyada qudheeda loo fasiray inay tahay calaamad muujinaysa in Turkigu uu aad u daneynayo qaaradda oo ay ku hardamayaan qaar ka mid ah dalalka reer galbeedka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here