Muxuu Mo Farah ka yiri mowqifka ay dowladda ka istaagtay sharcigiisa UK

0
296

Muxuu Mo Farah ka yiri mowqifka ay dowladda ka istaagtay sharcigiisa UK

Mo Farah ayaa sheegay in uu “nafisay” markii uu xafiiska Waaxda Arrimaha Gudaha ee UK sheegay in uusan wax tallaabo ah ka qaadi dooninciyaaryahankan, kaddib markii uu shaaca ka qaaday in uu UK kusoo galay si sharci darro ah.

Xiddigga ciyaaraha Olympic-ga ayaa Isniintii markii ugu horraysay soo bandhigay in magaciisa dhabta ah uu yahay Xuseen Cabdi Kaahin, balse uu dhalashada Britain ku qaatay magaca Maxamed Faarax.

Maxamed Faarax waxa uu ahaa magac ay siiyeen dadkii waddanka UK sida sharci darrada ah kusoo geliyay.

Saraakiisha Waaxda Arrimaha Gudaha ayaa BBC-da u sheegay in aysan baaritaan ku samayn doonin ciyaaryahanka oo loo yaqaanno Sir Mo.

“Waan ku nafisay taas,” ayuu ku yiri wareysi uu Mo Faarax maanta siiyay barnaamijka BBC Radio 4.

“Kani waa waddankayga. haddii uusan ahaan lahayn [macallinkeyga maaddada ciyaaraha] Alan iyo dadka i taageeray carruurnimadeydii oo dhan, waxaa laga yaabi lahaa in aanan heli lahayn dhiirranaanta aan sidan ku sameeyay.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here