Muxuu Maraykanku U Debciyey Mawqifkiisii Adkaa Ee Dhaxal-Sugaha Sacuudiga Maxamed Binu Salmaan?
Intii aanu noqon madaxweynaha, Joe Biden wuxuu Sucuudiga ku tilmaamay dal “takooran” sababtuna waxay ahayd qaybtii uu ku lahaa dilkii arxan darrada ahaa ee weriyihii Sucuudiga u dhashay Jamaal Khaashoqji.
Markuu madaxweyne noqnday na, wuxuu bishii February ogolaaday in la faafiyo warbixin sirdoonka Maraykanku hayey oo halis ah oo si shaki leh farta ugu fiiqday dhaxal sugaha taajka boqorktooyada, Amiir Maxamed Bin Salmaan, hase yeeshee isagu beeniyey inuu wax door ah ku lahaa.
Laakiin haatan, lix bilood ka dib markii uu xafiiska la wareegay, Maamulka Biden wuxuu rooga cas u goglay Maxamed Bin Salmaan walaalkiisa ka yar oo ah wasiir ku xigeen gaashaan dhigga, Khaalid Bin Salamaan.
Waa booqashadii ugu horraysay ee sarkaal sare oo Sucuudi ahi ku tago Maraykanka tan iyo dilkii Khaashoqji, bishi Oktoobar 2018.
“Waxa socday dedaal xoog leh oo lagu doonayo in lagu daba qabateeyo sumacadda Dhaxal Sugaha boqortooyada iyo guud ahaan ba Sucuudiga,” ayuu yidhi Michael Stephens oo ah khabiir ka tirsan mac-hadka saldhigiisu yahay London ee Royal United Services Inistitue.
“Boqortooyadu waxay aad xoogga u saartay furasadaha dhaqaale,” ayuu hadalka ku dartay, “iyadoo hadalladii adkaa ee hore ee ay kaga hadli jiray nabadgelyada gobolka ay haatan hoos u dhigtay”.
Hadaba ma waxay ka dhigan tahay in Maxamed Bin Salmaan ay saaxameen reer Galbeedku?
Maya run ahaantii, weliba ururada xuquuqda aadanaha u dooda oo ay ku jirto Qaramada Midoobay iyo baaqii ahaa in baadhitaan madaxbanaan oo dhamaystiran lagu qaado ninka ugu awooda badan Sucuudiga ee Amiirka Sacuudiga, weli waa halkoodii.
Shan iyo taban saraakiil sucuudi ah ayaa ka duulay Riyadh, sannadkii 2018, oo laba diyaaradood oo dawladu leedahay ku tagay Istanbul halkaas oo ay ku sugeen Khaashoqji oo ahaa nin si aan gabasho lahayn u dhaliilayay dhaxal sugaha.
Markuu qgalay qunsuliyada Sucuudiga ee Turkiga, ayay isku jabiyeen, cabudhiyeen oo ay dileen ka dib na maydkiisi jarjareen.
Amiir Khaalid Bin Salmaan oo haatan lagu soo dhaweyey Maraykanka, waa safiirka Sucudiga u fadhiyi jiray Washington, xilligii dilkii Khaashoqji .
Wuxuu markii hore ganafka ku dhuftay wararkii tibaaxayey in Khaashoqji lagu dhex dilay qunsuliyadda oo uu ku ilmaamay “been aan sal iyo baar toona lahayn”.
Markii Turkigu dunida u soo bandhigay sidii wax u dhaceen, waxa khasab ku noqotay inuu hadalkaa hore ka noqdyo, waxaanu ku sheegay falkaa “hawl gal aan amar loo haysanin,” kama dambaystiina waxaa loo xidhay tiro saraakiil hoose ah oo maxkamad qarsoodi ah lagu qaday.
Laakiin laanta sirdoonka Maraykanka ee CIA ayaa iyadu arrinta ku gabogabaysay “in kalsooni sare ay ku qabto” in hawlgalkaa aan la fuliyeen hadii aanu Maxamed Bin Salmaan laftiisu ogayn.
Maryakanka ayaa xayiraado ku soo rogay 70 sarkaal oo Sucuudi ah oo lala xidhiidhiyay gabood falo xuquuqada aadanaha ah, tan iyo markii dilkaasi dhacayna, dhaxal sugaha waxaa si cad u dhalleeceeyay hoggaamiyeyaasha reer galbeedka.
Hadana Sucuuduga waxa ay u arkaan in dawlado badan oo reer gabeed ahi uu yahay dal xulafo la ah oo muhiim u ah oo ka hor tagi kara is ballaadhinta Iran, dal xidhiidh ganacsi lala leeyahay, iyo macmiil lacag fiican ku iibsada hubka iyo sidoo kale dal xasiliya suuqa saliida. Waana halka siyaasaddu arrimaha ka soo xusho.
Xogo u dhuun daloola dhaxal sugaha ayaa sheegay in uu jiray farqi u dhaxeeya mawqifka rasmiga ah ee dawladaha reer galbeeda iyagoo fagaarayaasha ka dhaliila Maxamed Bin Salmaan iyo xaqiiqada ma dhaafaanka ah ee xidhiidhka laba geesoodka ah eel ala leeyahay boqortooyada.
Waana sababta ay ninka cabaayadiisa dahabku ku xardhan yahay ee ay ehelka yihii Dhaxal Sugaha, u soo caga dhigtay xafiiska ugu sareeya Washington, todobaadkii hore.
Mudo laba maalmood ah ayuu Amiir Khaalid Bin Salamaan wadahadalo la yeelan doonaa wasiirka arrimaha dibada, Anthony Blinken, la taliyaha nabadgelyada qaranka ee madaxweynaha, Jake Sullivan, wasiirka gaashaan dhigga, Llyod Austin iyo taliyaha guud ee ciidamda Maraykanka, Jen Mark Milley.
Liiskaas ayaa muujinaya muhiimada Maraykanku siinayo Sucuudiga xataa haddii sida la leehay aan hore loo sii shaacinin booqashada Amiir Khaalid.
Qodobo badan ayaa laga wadahadli doonaa oo uu ka mid yahay dagaalka Yemen oo Sucuudigu doonayo in uu ka soo baxo, umana muudqo in uu ka adkaday Xuutiyiinta ay Iraan taageerto ee sida sharci darrada ah awooda ku qabsaday sannadkii 2014.
Dhanka tamarta, suuqa saliida, nabadgelyada Geeska Afrika iyo ku talagalka dib u soo celinta wadaxaajoodka nukliyeerka Iran, ayaa dhamaantood ah arrimo miiska saaran.
Sidoo kale, waxa la sheegyaa in Afghanistan ku jirto, halkaas oo ciidamada Maraykanka haatan ka soo wada baxeen oo ay ka jirto cabsi ah in mustaqbalka ay Taliba qabsato oo Al-Qaacidana dib isugu abaabusho sdiii ay waayo ahaan jirtay.
Diblomaasiyiin u dhun daloola Sucuudiga ayaa qiray in mararka qaarkood dalkaasi yahay dal ay adag tahay in lala xaajoodaa.
Waxaa jiro shaki ay reer galbeedku ka qabaan ninka aan la isku halayn karin ee dhaxal sugaha ah, Maxmed Bin Salmaan, oo ay suurtogal tahay inay shakigaa ka qabaan inta noloshiisa ka hadhay.
“Weli ma cadda in Maxamed Bin Salman la wada qaatay”, ayuu yidhi Michael Stephens.
“Wakhtigaa cadayn doona in reer galbeedku si buuxda ula shaqayn doonaan iyo in kale. Laakiin arrimuhu way is bedelayaan markaad eegto waxaana dhici karta in wakhti ka dib la arki doono isaga oo booqasho ku tagaya caasimadaha reer galbeedka”.