Muwaadiniin Soomaali Ah Oo Xalay Dil Iyo Dhaawac Loogu Geystay Koonfur Afrika

0
312

Muwaadiniin Soomaali Ah Oo Xalay Dil Iyo Dhaawac Loogu Geystay Koonfur Afrika

Koox hubeysan oo burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa habeenimadii xalay aheyd Muwaadiniin Soomaaliyeed dil iyo dhaawac ugu geystay duleedka Magaalada Johannesburg ee dalkaas Koonfur Afrika.

Burcada hubeysneyd ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday Dukaaman Muwaadiniinta ku lahaayeen deegaanka Soweto oo dhacda duleedka Magaalada Johannesburg, xili la xirayey Dukaamanka, iyagoona muwaadiniinta lagu furay rasaas farabadan.

“Xilligii dukaanka la xirayey ayey 3 Nin oo hubaysan yimaadeen, dukaanka fura ayey dhaheen Axmed oo ahaa Yarkii xiraayey albaabka, markii uu isku dayey inuu ka cararana Madaxa ayey Xabad uga dhufteen waana Dhaawac culus oo Koomo ayuu ku jiraa” ayuu yiri Maxamed Yuusuf oo kamid ah Muwaadiniin Soomaaliyeed oo goobta ka agdhawaa.

Muwaadinka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdi Jimcaale Cali Dable, halka Axmed Cabdullaahi Cali isna dhaawac halis ah uu kasoo gaaray weerarka lagu qaaday, isagoona durbadii loola cararay Isbitaal, si loogu daaweyo xaaladdiisa Caafimaad.

Allaha u naxariistee Cabdi Jimcaale Cali ayaa noqonaya Muwaadinkii ugu horreeyay ee sanadkaan bilowga ee 2022 lagu dilay dalka Koonfur Afrika oo sanadkii tegay ee 2021 dilal, dhaawac iyo boob loogu geystay Muwaadiniin Soomaaliyeed oo halkaas ku lahaa goobo Ganacsi, mana jirto cid iska xil saartay wax ka qabashada dhibaatada taagan…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here