Muwaadin Soomaaliyeed Oo Lagu Dilay Magaalo Ka Tirsan Dalka Mareykanka.

0
346

Muwaadin Soomaaliyeed Oo Lagu Dilay Magaalo Ka Tirsan Dalka Mareykanka.

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Shaani Maxamed ayaa lagu dilay Magaalada Portland ee Gobolka Oregon ee dalka Mareykanka, xili uu shaqo ku jiray, sida ay ku warrameen dad Soomaali ah oo dalkaas kunool.

Marxuunka Shaani Maxamed oo jira 39-sanno ayaa ku shaqeysan jiray, kana ganacsan jiray waditaanka baabuurta dadka rakaab ahaanta loogu qaato, wuxuuna u shaqeynayey shirkadda Uber.

Booliska Mareykanka ayaa sheegay in Shaani Maxamed dil toogasho ah lagu dilay, maydkiisana laga helay isaga oo yaalla gaarigiisa agtiisa. Shaani ayaa ahaa Aabbe ka tagay xaas iyo sideed carruur ah oo carruurta ka ugu weyn uu jiro 18-sanno, ka ugu yarna uu jiro dhowr bilood.

Sidoo kale Booliska ayaa sheegay in ayna weli wax war ah ka haynin cida ka dambeysa dilkan arxan darada ah ee loo geystay Allaha u naxariistee Marxuun Shaani Maxamed oo kamid ahaa Soomaalida kunool dalka Mareykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here