Muuse Biixi Oo Gaaray Nairobi Iyo Kenya Oo War Kasoo Saartay Socdaalkiisa

0
356

Muuse Biixi Oo Gaaray Nairobi Iyo Kenya Oo War Kasoo Saartay Socdaalkiisa

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa goordhaweyd gaaray Magaalada Nairobi Caasimadda dalka Kenya, halkaasi oo lagu soo dhaweyay.

Wafdiga uu Muuse Biixin hoggaaminayay waxaa soo dhaweeyay Wasiiro uu ka mid yahay Wasiirka Beeraha ee Kenya Peter Munya iyo Mas’uuliyiin kale, waxaana socdaalka Muuse Biixi ku heliya qaar ka mid ah Golaha Wasiirada Somaliland iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Xukuumadda Somaliland ee madaxweynaha ka yahay Muuse Biixi Cabdi.

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in Muuse Biixi maalinta berri ah uu la kulmi doono mas’uuliyiin ka tirsan Keyna, kuwaasi oo aan la shaacin waxyaabaha ay ka wada hadli doonaan.

xariirka dowladaha Kenya iyo Soomaaliya ayaa u muuqda mid maraya meeshii ugu xumeed, waxaana labada dal ay u kala yeerteen Safiiradooda, iyadoo ay jiraan arrimo siyaaadeed oo ay isku hayaan labada dhinac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here