Muuse Biixi: “Mareykanka labo meel ayaan ka kala taaganahay Ictiraafka Somaliland”.

0
410

Muuse Biixi: “Mareykanka labo meel ayaan ka kala taaganahay Ictiraafka Somaliland”.

Muuse Biixi Cabdi oo wareysi siiyay VOA-da ayaa sheegay in Mareyanka iyo Somaliland labo meel oo kala fog ay ka kala taagan yihiin ictiraafka ay raadinayaan kaddib markii uu la kulmay mas’uuliyiin kala duwan oo Dalkaas ah.

Madaxweyne Biixi ayaa tilmaamay in Dowladda Mareykanka ay ka caga-jiideyso aqoonsashada Somaliland oo uu ku sheegay in ay horumar ka sameysay dhinacyada Nabadgalyada, Horumarka iyo dimuqraadiyadda sida uu hadalka u dhigay.

“Dowladda Mareykanka waad ogtahay oo labo meelood baan kala taaganahay, innaga waxa nagu weyn ee aan Dad kala hadalno waa ictiraafka, iyaguna badankooda waxa ay leeyihiin waa arrin Afrika oo innaga waa nalaga leeyahay” ayuu yiri Muuse Biixi Cabdi.

Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya Larry Andre ayaa dhowaan mar uu ka hadlay safarka Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu meesha ka saaray in Dowladdiisa ay aqoonsi siineyso Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo wajahaya culeys dhanka Doorashada ah iyo ballaarinta Xisbiyada ayaa ku dooday in uu raadinayo “Ictiraaf” waxa uu ku dooday in uu ku raad-joogo raadinta gooni ka noqoshada Jamhuuriyadda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here