MUQDISHO : Xildhibaanada Golaha Shacabka Oo Ansixiyay Sharci Muhiim Ah

0
389

MUQDISHO : Xildhibaanada Golaha Shacabka Oo Ansixiyay Sharci Muhiim Ah

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho waxaa ay ku yeesheen mid kamid ah kulamadoodii caadiga ahaa.

Kulanka oo ahaa midkii 18-aa ee kalfadhiga 7-aad ee Golaha ayaa waxaa Shir Guddoomiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, isla markaana waxaa ka qeyb galay 142 Xildhibaan.

Xildhibaanada ayaa dood dheer ay yeesheen, waxaa ay ku ansixiyeen Wax ka Bedelka Sharciga Xisbiyadda Siyaasadda oo horey Mudanayaasha Baarlamaanka Akhrinta Koowaad iyo labaad u marsiiyeen.

137 Xildhibaan ayaa ogolaatay in la ansixiyo Wax ka Bedelka Sharciga Xisbiyadda Siyaasadda, waxaa diiday Saddex Xildhibaan, halka 2 Mudane ay ka aamuseen.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal ayaa ku dhawaaqay natiijada kasoo baxday Coddeeynta, isla markaana waxaa uu shaaciyay in Xildhibaanada ay ansixiyeen wax ka Bedelka Sharciga Xisbiyadda Siyaasadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here