Muqdisho : Waddooyinka Qaar Ee Magaalada Oo Saaka Xiran Iyo Sababta Keentay

0
302

Muqdisho : Waddooyinka Qaar Ee Magaalada Oo Saaka Xiran Iyo Sababta Keentay

Waxaa saaka oo Arbaco ah xiran inta badan waddooyinka waaweyn Magaalada Muqdisho, waxaana dadka shacabka ay yihiin kuwo lugeeynaya, maadaama aan la ogoleyn in gaadiidka dadweynaha ay isticmaalaan waddooyinkaas xiran.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka ayaa lagu arkayaa waddooyinka xiran iyaga oo taagan, waxaana Jidadka xiran kamid ah Waddooyinka soo gala iyo kuwa kabaxa wadada Maka Al-mukarama ee Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wadada ayaa ka xiran laga bilaabo Taaladda Daljirka daahsoon ee degmada Boondheere illaa Iskuul Bulusiya, iyadoona loo diidayo inay isticmaalaan gaadiida dadweynaha ay saaran yihiin iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

Sababta loo xiray waddooyinka Muqdisho ayaa ah in Maanta Caasimadda ay ka dhaceyso gaar ahaan Xarunta Booliska ee Jeneraal Kaahiye doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland.

Doorashada lix kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee Somaliland ayaa saacadaha soo socda ka bilaaban doonta Xarunta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Jeneraal Kaahiye, waxaana doorashada korjoogte ka noqonaya Guddiga doorashooyinka heer Federaal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here