Muqdisho: Tirada Dadka Laga Helay COVID-19 Oo Sare U Kacday

0
548

Muqdisho: Tirada Dadka Laga Helay COVID-19 Oo Sare U Kacday

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo soo saartay warbixinteedii maalinlaha aheyd ee cudurka Covid 19 ayaa ku shaacisay tiradii ugu badneyd la diiwaan geliyo mudo 24-saac gudahood.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay gudaha Soomaaliya laga diiwaan geliyey 73 qof oo qaba cudurka COVID-19, kuwaas oo noqonaya tiradii ugu badneyd oo halmar ay shaaciso wasaaradda caafimaadka.

51 kamid ah 73-da qof ee laga helay cudurkaas waa lab halka 22-ka kalena ay dhadig, waxayna tirada guud ee dadka loo diiwaan geliyey in uu ku dhacay COVID-19 ay gaartay 237 xaaladood oo qaar ay ka bogsoodeen qaarna u dhintay.

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa horey u sheegtay in kiisaska cudurka ee laga helayo dalka ay sare u sii kaceyso maalinba maalinta ka dambeysa, loona baahan yahay shacabka iney ku dhaqmaan talooyinka ka hortaga ah si loo yareeyo faafida cudurkan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here