MUQDISHO : Shan Senator Oo Maanta Lagu Dooranayo Magaalada Muqdisho
Shan ka mid ah kuraasta Aqalka Sare ee Xildhibaannada gobollada Waqooyi (Somaliland) ku matalaya golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa maanta lagu dooranyaa magaalada Muqdisho.
6 Senitor oo ka mid ah 11-ka Senitor ee Gobollada Waqooyi (Somaliland) ku matali doona 4-ta sano ee soo socda Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa shalay la doortay.
Shanta kursi ee maanta la dooranayo ayaa labo ka mid ah waxa ay gaar u tahay dumarka halka shalay hal kursi uu ahaa mid ay haweeney ku guuleysatay.