MUQDISHO : Qarax Lala Eegtay Taliye Ciidan Oo Ka Dhacay Xaafad Ka Tirsan Magaalada Muqdisho

0
494

MUQDISHO : Qarax Lala Eegtay Taliye Ciidan Oo Ka Dhacay Xaafad Ka Tirsan Magaalada Muqdisho

 

Faah faahino ayaa kasoo baxaya qarax miino nooca dhulka lagu aaso ah oo barqadii Maanta ka dhacay Waaxda Jamhuuriyo ee degmada Kaaraan ee Gobolkaan Banaadir gaar ahaan meel ku dhow Masaajidka Turkiga ee xaafadda Jamhuuriyo.

Qaraxaas miinada ah ayaa waxaa lala eegtay gaari nooca ay Istimcaalan Booliska dowladda oo uu saarnaa Taliyaha Saldhiga Booliska Kaaraan Gaashaanle Salaad Caraale, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacadda Dalsan.

Taliye Gaashaanle Salaad Caraale iyo Ciidamo la socday ayaa la sheegay inay qaraxaas lala beegsaday ka badbaadeen, isla markaana uusan soo gaarin wax khasaaro ah, marka laga reebo gaariga oo qeybta hore ee Miraayada burbur ka gaaray.

Sidoo kale qaraxa ayaa waxyeelo dhaawac uu kasoo gaaray dad shacab ah oo marayay halka uu qaraxu ka dhacay oo aheyd agagaarka Masjidka Turkiga ee xaafadda Jamhuuriyo ee Kaaraan, waxaana dadka dhaawacmay la geeyay Xarun Caafimaad.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka ayaa dhowr iyo toban daqiiqo kadib teya goobta, iyagoona sameeyay baaritaano ku aadan qaraxaas ka dhacay Muqdisho, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga Booliska dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here