Muqdisho oo lagu qabtay Munaasabaadda Sanad guurada 52–labaad ee aasaaska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

0
263

Muqdisho oo lagu qabtay Munaasabaadda Sanad guurada 52–labaad ee aasaaska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Waxaa maanta Magaalada Muqdisho lagu qabtay Munaasadda loogu dabaal dagayay aasaaska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo ka soo wareegatay 52 sano, 22-kii Febraayo sanadkii 1970-kii, maanta oo kale ayaa la unkay ciidanka Asluubta Soomaaliya.

Munaasabadda lagu xusayay ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji, Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Mahad Cabdiraxmaan, Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida Maxamuud Axmed Xasan, Sarkiil kale oo ka tirsan Ciidanka iyo marti sharaf kale.

Ugu horreyn waxaa munaasabadda ka hadlay Taliyaha Ciidanka Asluubta Mahad Cabdiraxmaan asiga oo ka sheekeeyay wax qabadka ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, dhanka kale waxa uu bogaadiyay wax qabadka ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ee ku kala sugan Dowlad Gobaleedyada Dalka.

Dhanka kale waxaa munaasabadda ka hadlay Wasiirka Cadaaladda XFS Xasan Xuseen Xaaji asiga oo bogaadiyay shaqada ay hayaan dhanka kale waxa uu sheegay in ciidanka Asluubta ay ka mid yihiin afarta ciidan ee lafdhabarta u ah Ciidanka Soomaaliyeed.

Ciidanka Asluubta ayaa ka shaqeeya ilaalinta Xabsiyada Dalka iyo Maxaabiista ku jirta ayada oo sanad walba maanta oo kale la xusa aasaaska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here