Mucaaradka Israel oo Ku heshiiyay Qorshe Gogosha loogu Laabayo Ra’iisulwasaaraha Israel

0
317

Mucaaradka Israel oo Ku heshiiyay Qorshe Gogosha loogu Laabayo Ra’iisulwasaaraha Israel

YAIR LAPID Hoggaamiyaha Mucaaradka Israel, ayaa sheegay inuu awoodi karo Dhismaha Xukumad Isbahaysi Wadaag ah, taasi oo u muuqata mid soo af-jaraysa  xilligii Ra’isul-wasaare Binjamiin Natayaahu oo Awoodda hayey 12-kii sano ee la soo dhaafay.

Madaxweynaha Israel ee xilka ka sii degaya REUVEN RIVLIN ayaa u xil saaray inuu Xukuumad soo dhiso YAIR LAPID oo hoggamiya Xisbiga YESH ATID PARTY.

Tallaabadaasi ayaa timid, kadib, markii uu Benjamiin Netayahu mar kale ku fashilmay inuu isku hayo Xukuumadiisa Isbahaysiga Doorashadii 4-aad ee Israel ka dhacda wax ka yar 2 sano.

Dhinaca kale, YAIR LAPID oo horey u ahaa Weriye TV iyo Shaqsi Cilmaani ah waxa uu Taageero ka helay Maalqabeenka Naftali Bennet oo horey u soo qabtay Xilal Dowladeed.

Heshiiska Xukuumadda Isbahaysiga ee Israel waxa uu dhigayaa inuu Naftali Bennet xilka Ra’isul-wasaaraha hayn doono labada sano ee u horeysa, halka uu YAIR LAPID xilkaasi la wareegi doono 2-da sano ee ku sii xigta.

Mansuur Cabaas,oo Hogagamiyaha Xisbiga Liiska Midowga Carbeed “The United Arab List” ayaa isagana qeyb ka ah Heshiiska Xukuumadda Wadaagga Israel oo ay Mudanayaasha Barlamaanka Israel ee loo yaqaano KENESET u codeyn doonaan muddo 12 maalmood gudahood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here