Mooshin Ka Dhan Ah Yuhuuda Oo La Horgaynayo Shirka Golaha Midowga Africa

0
552

Mooshin Ka Dhan Ah Yuhuuda Oo La Horgaynayo Shirka Golaha Midowga Africa

Midowga Afrika ayaa toddobaadka soo socda u codayn doona in lagala noqdo maqaamkii goobjoogenimo ee Israa’iil, inkastoo aysan caddayn in aqlabiyadda ay taageersan yihiin.

Dublamaasiyiinta Aljeeriya ee hormuudka ka ah mooshinka ayaa u sheegay Al-Araby Al-Jadeed in “guul” ay tahay in la helo “ajandaha ugu sarreeya” ee shir madaxeedka Sabtida soo socota ka dhacaya caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa.

Waddamada waaweyn ee Afrika, gaar ahaan Waqooyiga Afrika iyo Koonfurta Afrika, ayaa ku biiray dadaallada lagu doonayo in Israa’il loogala noqdo Xubintooda Korjoogtanimo.

Israa’iil ayaa dib loogu celiyay xubinimada 55-ta waddan ee Midowga Afrika si ay goobjooge uga noqoto July 2021, go’aan uu ku dhawaaqay Moussa Faki Mahamat, guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika, Arrintan ayaa timid 19 sano kaddib markii Israa’iil xilka looga tuuray cadaadis uga yimid hoggaamiyihii Liibiya ee xilligaas Mucamar Al-Qadaafi.

Algeria ayaa la wareegtay doorkii taariikhiga ahaa ee Liibiya ee ka soo horjeeday xubinimada Israa’iil, waxaana dublamaasiyiinteeda ay Al-Araby Al-Jadeed u sheegeen inay weli ku hawlan yihiin sidii ay codbixintu u dhici lahayd.

Israa’iil waxay xiriir diblomaasiyadeed la leedahay inta badan waddamada Afrika, laakiin qaar ka mid ah, sida Koonfur Afrika, Nigeria iyo Masar, ayaa la sheegay inay taageerayaan hindisaha Aljeeriya hormuudka ka tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here