Miyuu Ra’iisul Wasaare Xamse Laascaanood u tagayaa ka hortaga aqoonsiga Somaliland?

0
15

Miyuu Ra’iisul Wasaare Xamse Laascaanood u tagayaa ka hortaga aqoonsiga Somaliland?

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, iyo wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya aay maanta socdaal ku tagi doonaan magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka SSC-Khaatumo.

Magaalada Laascaanood oo ah magaalo ay dadkeedu si xoogan uga soo horjeedaan kala go’a Soomaaliya ayaa sannadihii u danbeeyay waxaa ka socday dagaallo u dhaxeeyay maamulada Somaliland iyo SSC Khaatumo, kuwaasi oo ay dad badan ku geeriyoodeen.

Booqashada Ra’sul Wasaare Xamse ku tagayo magaaladda Laascaanood ayaa waxa ay ku soo aadaysaa waqti xasaasi ah oo aay soo baxayaan warar xoogan oo sheegaya in Soomaaliland aay aqoosi ka heli karto dawlado waawayn oo uu Maraykanku ugu horeeyo.

Saxnimada wararkan ayaa aad u xoogaysatay kadib markii 16-ka bishii la soo dhaafay ee March ay soo baxday warqad dowladda Soomaaliya u dirtay Maraykanka taas oo aay ugu balan qaadayso in ay ku waeejinayso maamulka Dekado iyo Saldhig Milatery oo stratiiji ah, halka Maraykankana laga doonayo in uu ilaaliyo midnimada dawladda kana baaqsaddo in uu Somaliland u aqoonsaado dawlad madax banaaan.