Militariga Israa’iil oo Lubnaan ku dilay ugu yaraan 42 ruux oo Shacab ah iyada oo lagu jiro waqtiga Xabbad-joojinta

0
15
Smoke billows from the site of an Israeli air strike in the Lebanese village of Khiam, near the Lebanon-Israel border, on September 23, 2024. The Israeli military on September 23 told people in Lebanon to move away from Hezbollah targets and vowed to carry out more "extensive and precise" strikes against the Iran-backed group. (Photo by Rabih DAHER / AFP) (Photo by RABIH DAHER/AFP via Getty Images)

Militariga Israa’iil oo Lubnaan ku dilay ugu yaraan 42 ruux oo Shacab ah iyada oo lagu jiro waqtiga Xabbad-joojinta

Sida ay xaqiijiyeen saraakiil dhanka Caafimaadka ah, ugu yaraan 42 ruux oo rayid ah ayay Militariga Israa’iil ku dileen gudaha Dalka Lubnaan iyada oo lagu jiro waqtiga Xabbad-joojinta ay dhaliyeen Maraykanka iyo Faransiiska.

 

Teleefishinka Aljazeera ayaa soo bandhigay madyadka dadka rayidka ah, waxaana uu sheegay in ciidanka Israa’iil ay beegsadeen Dadkaan iyada oo anay weli jirin war rasmi ah oo kasoo baxay dhinacyadii garwadeenka ka ahaa xabbad-joojinta.

 

Ciidanka Israa’iil ayaa saacadihii lasoo dhaafay dhaqdhaqaaq ka duwan xaaladda degenaashiyaha ee lagu garto xiliga xabbad-joojintu jirto, taasi waxa ay dhalisay shaki la xiriira in markale dagaalka dib u qarxi karo.

 

Dad badan ayaa aaminsanaa in xabbad-joojinta Xisbullaah iyo Israa’iil ay albaabada u furi karto kahortagga halista weyn ee laga digayo ee la xiriirta in dagaalka saddexaad adduunka uu ka qarxi karo bariga dhexe marka la eego derajada colaaddu gaartay.

 

La soco wixii kasoo kordha