Midowga Yurub oo qorsheynaya Dhoolatus Militari oo dhanka Badda ah.

0
196

Midowga Yurub oo qorsheynaya Dhoolatus Militari oo dhanka Badda ah.

Midowga Yurub ayaa qorsheeyay in uu sameeyo dhoolatus Militari oo wadajir ah si loo yareeyo khatarta badan ee laga muujinayo halista dhanka badda si awoodda ururkaan midnimo & wadashaqeyn dhexdooda ah bannaanka loogu soo dhigo.

Saraakiil katiran Midowga Yurub ayaa sheegay in ay doonayaan ilaalinta kaabayaasha muhiimka ah ee dhinaca badda si arrintaan dhaqangal u noqotana loo baahan yahay in dhammaan dhinacyada xubnaha ka ah ay ka qaybqaataan dhoolatus wadajir ah.

Madaxa dhinaca deegaanka u qaabilsan Midowga Yurub ayaa Wakaaladda Wararka Reuters u sheegay in dhoolatuskaani uu qorsheysnaa kahor inta uusan dhicin weerarkii September 2022 lagu qaaday dhuumaha shidaalka ee Nord Steam.

Waxa uu difaacay qorshaha Midowga Yurub isaga oo sheegay in dedaalkaan lagu muujinayo isku duubnaanta waddamada xubnaha ka ah ururkaan iyo in la heli karo ciidamo gaar ah oo awood u yeesha ka jawaabista xaaladaha degdega ah.

Midowga Yurub ayaa liiskooda ku daray in la xoojiyo iskaashigooda & kan howlgalka NATO ee dhinaca Badda ah si ay u nabadgalaan Dhuumaha Shidaalka, Maraakiibta Ganacsita kala gudbisa iyo isticmaalka nabadgalyada marinka Badda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here