Midowga Musharaxiinta Oo Sheegay In Aysan Aqbali Doonin In La Boobo Doorashada Golaha Shacabka

0
331

Midowga Musharaxiinta Oo Sheegay In Aysan Aqbali Doonin In La Boobo Doorashada Golaha Shacabka

Golaha Midowga Musharraxiinta ayaa walaac xoog leh ka muujiyay dib u dhaca isdaba-joogga ah, daahfurnaan la’aanta iyo daaha ula kaca ah ee doorashooyinka.

Golohu wuxuu dadaal xooggan ku bixiyey in uusan muddo kororsi dalka ka hirgelin, wuxuuna weli u taaganyahay in uu hor istaago muddo kororsi dadban iyo doorasho boob ah, taasoo baalmarsan dastuurka dalka, caddaalada iyo habraacyada doorasho.

Xaaladda uu maanta dalkeenna ku suganyahay ma aha mid xamili karta doorasho loo daahiyo dano gurracan ama la boobo, sababtoo ah daaha doorashada ama boobka doorasho waxey dalka u horseedaysaa xaalad cakirnaan iyo colaad sokeeye.

Goluhu wuxuu ku boorinaayay RaysalWasaare Maxamed Xuseen Rooble in uu dalka ku hoggaamiyo sida dastuurka waafaqsan oo ay dalka ka qabsoomaan doorasho xor iyo xalaal ah, daahfurnaan leh, waqtigooduna cayimanyahay.

RW waa inuu tixgeliyay kalsoonidii ay shacabka Soomaaliyeed iyo saamileyda iyaasadeed siiyeen, masuuliyadiisana uu si dhab ah uga soo dhalaalo.

Midowga Musharaxiinta ayaa soo jeediyay Lixdaan qodob.

1- In la helo jadwal doorasho oo mideysan oo ay ku caddahay taariikhda billawga doorashada xubnaha Golaha Shacabka iyo dhammaadkeeda.

2- In ay doorashu noqoto mid si daahfurnaan leh ku dhacda, loona madaxbanneeyo odayaasha dhaqanka beesha kursiga ku astaysan soo xulista ergada, fursad simanna loo siiyo tartamayaasha oo idil, goobta doorashadu ka dhacaysana loo sinnaado.

3- Madaxda Dowlad Goboleedyadu waxay awood u lahaayeen magacaabista kuraasta Aqalka Sare. Shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamkaba waxay marag ka ahaayeen sidii loogu takrifalay doorashadii Aqalka Sare marka laga reebo meelo kooban.

4- Goluhu wuxuu ka dhigayaa cawaaqib xumida ka dhalan karta in la boobo doorashada kuraasta Golaha Shacabka. Dalkeenu wuxuu ka soo kabanayaa colaad sokeeye, doorasho la boobana natiijadeedu waa colaad sokeeye, sidaas darteed waa in aan si wadajir ah uga hortagnaa boobka doorashada.

5-In la helo korjoogto ka socota bulshada rayidka ah iyo beesha caalamka, si loo hubiyo hufnaanta doorashada.

6- Goluhu ma aqbali doono doorasho aan jadwalkeedu caddeyn oo maalinba kuraas tiro yar la shaacinayo. Wuxuu kaloo aqbali doonin doorasho la boobo, lagu shubto oo beelihii xaqa u lahaa kursiga la dulsaaro dad aysan iyagu soo dooranin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here