Meydadka 27 Ruux Oo Tahriibayaal Ah Oo Laga Helay Xeebta Galbeedka Ee Dalka Liibiya

0
330

Meydadka 27 Ruux Oo Tahriibayaal Ah Oo Laga Helay Xeebta Galbeedka Ee Dalka Liibiya

Meydadka 27 ruux oo Tahriibayaal kusii jeediyay Qaaradda Yurub ayaa laga helay Xeebaha Galbeedka Liibiya, Bisha Cas Liibiya ayaa sheegtay in musiibadaan ay dhacday kaddib markii ay rogmatay Doontii ay la socdeen waxyar kaddib markii ay ka safreen biyaha Dalkaas.

Magaalo Xeebeedka Khoms oo 90 KM u jirta Caasimada Liibiya ee Tripoli ayaa lagu arkay meydadka Dad ay ku jiraan Carruur & Dumar oo safar u ahaa in ay ka gudbaan Badda Mediterranean si ay u tagaan Qaaradda Yurub.

Sarkaal katirsan Dowladda Liibiya ayaa Wakaaladda Wararka AFP u sheegay in tirada dadka dhintay intaas ay ka badan karaan maadaama uu socdo gurmad lagu raadinayo dad lagu waayay raq iyo ruux oo doonta la socday.

Dadka qaar ayaa jir ahaan is baddelay sabab la xiriirta in badda waqti dheer ku jireen, Hay’adda Socdaalka u qaabilsan Qaramada Midoobay IOM oo kaashaneysa Bisha Cas Liibiya iyo hay’addo gaar ah si looga hortago tahriibka.

Liibiya, IOM & Hay’adaha kale ee xogtaan la socda ma shaacin magacyada & Dalalka ay kasoo jeedaan Tahriibayaasha ku geeriyooday Xeebaha Dalkaas, balse warbaahinta gudaha ayaa sheegtay in xog-baarista jinsiyaddooda ay socoto.

2021 waxaa kordhay dhimashada iyo waxyeellada gaartay Tahriibayaasha ka safray Liibiya, ku dhawaad 1,500 oo ruux ayaa ku geeriyooday Xeebaha Dalkaan dhaca Waqooyiga Afrika oo ay u dheer tahay dhibaatooyinka ay kula kulmaan xabsiyada kahor safarkooda.

IOM ayaa sheegtay in la qabtay in ka badan 30,000 oo tahriibayaal ah oo doonayay in ay raacaan doomo si ay u tagaan dalalka Yurub oo ay aaminsan yihiin in ay ku helayaan nolol uga wanaagsan tan dalalkooda.

Midowga Yurub ayaa dhaqaale ku bixinaya sidii Ciidamada Ilaalada Xeebaha Liibiya ay u qaban lahaayeen Tahriibayaasha ka safra dalkaas oo xalka keliya lagu celin karo ay tahay in laga hortago socdaalkooda Liibiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here