Maydka Gabadh Somali Ah Oo La La’aa Oo Laga Helaya Magaalada Minneapolis

0
636

Maydka Gabadh Somali Ah Oo La La’aa Oo Laga Helaya Magaalada Minneapolis

Gabadhaan oo lagu Magacaabi jiray Muniiro Axmed ayaa muddo Saddex Cisho ah ka maqneyd Qoyskeeda, hayeeshee baadi goob dheer kadib waxaa meydkeeda laga helay webiga Mississippi ee hoos mara buundada dadka ay u damaashaad tagaan ee Magaalada Minneapolis , halkaas oo ay joogtay markii cid war ugu dambeeysay.

Ciidanka gargaarka deg-dega ah iyo booliiska magaallada Minneapolis ayaa meydka Munira ka soo saaray webiga Mississippi, waxaana ay sheegeen inay wadaan baaritaan la xiriira dadka ka dambeeyay dilkeeda ama inay iyada Webiga ku dhacday.

Qaar kamid ah Qoyska Alle ha u Naxariistee Muniira ayaa dhankooda sheegay inay u maleeynayaan in Gabadhooda Webiga lagu riday, hayeeehee ay jawaab deg deg ah ka sugayaan Ciidamada Booliska ka howlgalla Magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka.

Dhalinyaro badan oo Soomaali ah ayaa sanadihii ugu dambeeyay waxaa siyaabo kala duwan loogu dilay Magaalada Minneapolis, iyada dilkaan kii ka horeeyay loo geystay todobaadkii hore Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Maxamed Xuseen Xasan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here