Maxkamadda Sare ee Pakistan oo damaanad ku sii deysay ra’iisul wasaarihii hore ee dalkaas, Imran Khan.
Maxkamadda Sare ee Pakistan ayaa damaanad ku sii deysay ra’iisul wasaarihii hore ee dalkaas, Imran Khan.
Go’aankan ayaa waxaa gaaray guddi ka kooban saddex garsoore oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Yahya Afridi, kuwaas oo beddelay xukun hore oo Maxkamadda Sare ee Lahore ay ku diiday codsiga damaanadda ee Khan.
Hase yeeshee, inkasta oo la amray in la sii daayo 72 jirkaas siyaasiga ah haddii aan lagu haynin kiis kale, Imran Khan ayaa xabsiga ku sii jiri doona, maadaama lagu xukumay kiis musuqmaasuq ah.
Khan, oo horey caan uga ahaa ciyaaraha, ayaa wajahaya dacwado badan oo isugu jira musuqmaasuq iyo argagixiso, kuwaas oo uu ku tilmaamay shirqool siyaasadeed.
Sidoo kale, dhowr hogaamiye iyo xildhibaano ka tirsan xisbiga uu hoggaamiyo Pakistan Tehreek-e-Insaf (PTI) ayaa iyaguna lagu xukumay dacwado la mid ah.
Dhibaatada siyaasadeed ayaa qaraxday markii taageerayaal ka carooday xariggiisa bishii May 2023 ay weerareen xarumo ciidan, oo ay ku jirto Taliska Guud ee Ciidanka (GHQ) ee magaalada Rawalpindi.