Maxkamad ku taalla dalka Mareykanka oo la soo taagey wiil Soomaali

0
16

Maxkamad ku taalla dalka Mareykanka oo la soo taagey wiil Soomaali

Maxkamad ku taalla dalka Mareykanka ayaa la soo taagey Cabdisatar Ahmed Hassan, oo 23 jir ah oo ku eedeysana inuu taageeray Daacish iyo AS, sida uu sheegay ku-simaha Xeer-ilaaliyaha Federaalka ee Minnesota, Joseph H. Thompson.

 

Xeer-ilaaliyaha ayaa sheegay in Hassan uu ku caan baxay taageerada ISIS iyo Al Shabaab, isagoo baraha bulshada ku faafiyay muuqaalada iyo qoraalada dhiirrigeliya dagaal ISIS.

 

Hassan ayaa sidoo kale taageero u muujiyay weeraro argagixiso oo ka dhacay gudaha Maraykanka.

 

Baarayaasha FBI-da ayaa sheegay in Hassan labo jeer isku dayay inuu ka dhoofo Minnesota isagoo u socda Soomaaliya si uu ugu biiro ISIS, balse markii hore laga hor istaagay safarkiisa sababo la xiriiray dukumenti safar oo aan dhammaystirneyn.

 

Markii uu mar labaad isku dayay, ayaa Booliska Canshuuraha iyo Xuduudaha ee Chicago qabteen, iyagoo ka helay boorsadiisa dukumentiyo shakhsi ah iyo telefoonno ay ku jiraan qoraallo iyo fariimo uu la wadaagay xubno xiriir la lahaa ISIS.

 

Hassan ayaa xabsiga la dhigay bishii Febraayo 2025, iyadoo laga helay calan madow oo ISIS ah, mindi, iyo laba telefoon oo uu adeegsan jiray, wuxuu qirtay inuu taageero buuxda u hayo ISIS, islamarkaana doonayay in Soomaaliya laga dhiso khilaaf Islaami ah.

 

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Federaalka ee Minnesota ayaa sheegay in kiiskan uu tusaale cad u yahay sida aan Maraykanku u oggolaan doonin in Minnesota noqoto hoy ammaan u ah argagixisada.