Maxkamad Ku Taal Dalka Liberia Oo Xukun Ku Riday Wasiirkii Hore Ee Gaashaandhigga Ee Dalkaasi

0
538

Maxkamad Ku Taal Dalka Liberia Oo Xukun Ku Riday Wasiirkii Hore Ee Gaashaandhigga Ee Dalkaasi

Maxkamadda sare ee dalka Liberia ayaa amartay in wasiirkii hore ee gaashaandhigga lagu xukumo labo sano oo xarig ah oo lala xiriirinayo kiis musuqmaasuq ah.

Brownie Samukai iyo laba saaxiibo ah ayaa lagu helay laba sano ka hor xatooyo iyo lacag dhaqid kiis la xiriira in ka badan Hal Milyan oo dollar.

Waxaana xiligaas lagu xukumay labo sano oo ganaax ah, waxaana lagu xukumay in ay dib u soo celiyaan kala bar lacagtaasi lix bilood gudahood.

Waxaa hadda lagu xukumay xabsiga maadaama ay ku guuldareysteen in ay wax ku bixiyaan mudadii loo qabtay.

Garsoore ayaa sheegay in seddexda Masuul ay tahay inay hadda dib u soo celiyaan dhammaan lacagtii – ayna ku sii jiri doonaan xabsiga ka dib labada sano haddii ay ku guuldareystaan ​​inay sidaas sameeyaan muddadaas.

Samukai, oo ah taliyihii hore ee booliiska, ayaa maxkamadda u sheegay in lacagtan lagu kharash gareeyay barnaamijyada rasmiga ah ee amarrada madaxdiisa.

Waxa uu muddo dheer soo ahaa wasiirka gaashaandhigga xilligii madaxweynihii hore ee Ellen Johnson Sirleaf.

Siyaasigan ayaa hadda qeyb ka ah isbaheysiga mucaaradka ee ku loolamaya madaxweyne George Weah doorashada sanadka soo socda.

Sannadkii hore waxaa loo doortay senatar ka tirsan kowntiga Lofa, balse kiiska musuqmaasuqa ayaa ka hor istaagay inuu kursigiisa qabto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here