“Maxbuuskii Ugu Waqtiga Dheeraa” America Oo Xabsiga Ku Qaatay 68 Sanadood Oo La Sii Daayay

0
290

“Maxbuuskii Ugu Waqtiga Dheeraa” America Oo Xabsiga Ku Qaatay 68 Sanadood Oo La Sii Daayay

Maxbuuskii ugu waqtiga dheeraa” Ameerika ayaa dhawaan ka soo baxay xabsiga isagoo nin xora ah. Joe Ligon ayaa waxa uu BBCda qeybta dibadaha la hadasha kala hadlay sida uu xabsiga ugu soo qaatay ku dhawaad 70 sanadood, sababta uu mudada dheer u sugayay xorriyaddiisa, iyo qaabka uu doonayo inuu ku qaato maalmaha nolosha uga harsan.

“Weligay kali ma aanan noqon, haddana kali umbaan ahaa. Waxaan doorbidaa inaan kaligay ahaado intii karaankayga ah. Markaan xabsiga ku jiray, waqtigaas oo dhan waxaan kaligay ku jiri jiray qol, marka la i xiraayay illaa la iga soo sii daayay.

“Arrintaas waxa ay caawinaysaa dadka aniga oo kale ah, kuwaas oo doonaya inay kali ahaadaan – qofka noocaas ah ayaan ahaa, markaan qolka xabsiga galana albaabka ayaa xiran jiray, oo wax walba oo dhacay maanan arki jirin oo maanan maqli jirin. Markii naloo ogolaaday inaan gudaha xabsiga ku haysanno raadiye iyo taleefishin – wehelkayga ayey noqdeen.”
Malaha waaba sax in illaa xad la yiraahdo nolosha xabsiga ayuuba ku wanaagsanaa Joe Ligon. Waxa ay u ogolaatay in madaxiisa uu raariciyo, afkiisa uu xirto, dhibkana uu iska ilaaliyo – dhammaan casharradaas, oo uu sheegay, inuu ku bartay 68 sanadood oo uu xabsiga ku jiray
Markii la gaaray waqtigii uu howlgabka ku noqon lahaa xabsigiisa, dhibba kuma aanay hayn oo cid kale oo u timid ma aanay jirin. Dhab ahaantii wehel kale muusan rabin arrintaasna waxa ay aheyd dookhiisa gaarka ah.

“Gudaha xabsiga wax saaxiib ah kumaan lahayn. Bannaankana saaxiib kumaan lahayn. Balse inta badan dadka ay howsha naga dhaxaysay… waxaan ula dhaqmi jiray sida saaxiibaday oo kale. Xaalkuna wuu iska daganaa, waanan isku wanaagsanayn,” ayuu yiri.

“Hasayeeshee ma adeegsado erayga saaxiib, waxaan bartay macnaha kalmaddaas ay u leedahay qof aniga oo kale ah. Dad badan ayaa waxa ay sheegaan in [haddii aad tahay] saaxiib… waxaa suuragal ah inaad khalad wayn samaysid.”
Ligon, ayaa iska go’aansaday inuu si kali ah u noolaado. Markii uu ku soo korayay halkii ay daganaayeen awoowyaalkii ee Birmingham, Alabama, saaxiibo badan ma uusan lahayn oo inta badan waxa uu waqtiga la qaadan jiray qoyskiisa, sida Axadaha oo kale waxa ay wadajir u daawan jireen wacdiga awoowgii uu ka jeedin jiray kaniisad halkaas ku taalay.

Waxa uu 13 jir markii uu ka soo guuray koonfurta shishe oo uu usoo wareegay Philadelphia si uu ugu noolaado xaafadda dadka ladan ay deggan yihiin halkaas oo uu kula noolaa hooyadii oo kalkaaliso aheyd, aabihii oo makaaniko ahaa, walaalkii iyo walaashii ka yar. Iskuulkii ayaa ku adkaaday oo waxba muusan qori karin mana akhrin karin. Ciyaaraha muusan dheeli jirin saaxiibadana noloshiisa wax badan kuma lahayn.
Markii Ligon “uu dhibaatada faraha la galay” fiid Jimco ah 1953, maba uusan aqoon dadka uu waqtigaas la socday. Dad uu kor ka yaqaanay ayuu la kulmay xilli ay xaafadda dhex wareegayeen, waxa ay garaaceen dadka kale ee khamraynayay.

Dib ayuu u gurtay. Hasayeeshee waxa uu ogolyahay in habeenkaas ay dad kala duwan tooriyeeyeen arrintaas oo uu ku lug lahaa, taas oo aheyd qulqulato ay ku dhinteen laba qof lix kalana ay ku dhaawacmeen.

Todobaadkaas, ninkaas oo 15-jir markaas ahaa waxaa lagu soo dacweeyay inuu dil gaystay – eeddaas oo uu waligiisba iska fogayn jiray walow markii dambe uu wareysi uu siiyay warbaahinta Mareykanka ee PBS uu ku aqbalay inuu laba qof tooriyeeyay kuwaas oo badbaaday waxa uuse muujiyay sida uu arrintaas uga xun yahay.

“Booliska ayaa waxa ay bilaabeen inay na siiyaan bayaanno aan saxiixnay, arrintaas ayaa dilka igu riixday. Qofna anigu maan dilin.”
Pennsylvania ayaa ka mid ah lix gobol oo Mareykanka ku yaal oo xabsi daa’imku aanan la cafin karin. Ligon ayaa haddaba waxa uu wajahay dhagaysiga dacwadda dambiile, markaas oo uu aqbalay xogta dhabta ah ee kiiska, xaakimkii ayaana ku helay dambiga ah laba xaaladood oo dil toos ah.

Wiilkaas dhalinyarada ah ayaanan joogin maxkamadda si uu u maqlo xabsiga cimrigaa ha ku furta ah ee aan cafiska lahayn ee lagu riday – waqtigaas oo ay caadi aheyd in xukun noocaas ah la rido. Hasayeeshee xabsiga ayuu galay asagoon ogayn inta sanadood ee lagu xukumay – mana aanay kusoo dhici inuu qof waydiiyo.
Xitaa ma aanan garanayn wax aan dadka waydiiyo. Waan ogahay inay adag tahay in la rumaysto balse taasi ayaa runta aheyd,” ayuu yiri Ligon. “Waxaan ogaa inaan waqti xabsiga ku qaadan doono, laakiin ma aanan ogayn in inta ka dhiman noloshayda aan xabsiga ku qaadan doono. Xataa weligay ma aanan maqal kalmadaha ‘xabsi daa’im la cafin karo’.

“Waxaan kuu sheegayaa sida uu xaalkeygu u xumaa markii aan carruurta ahaa – waxba ma aanan akhrin karin ama qori karin, xitaa magacayga ma aanan yeerin karayn. Waxaan ogaa uun in magacayga uu Joe yahay, sababtoo ah inta aan xasuusto isagaa la iigu yeeri jiray.”

“Waxa ay ku toosinayaan 6-da aroornimo, iyagoo leh, ‘kaca waa la idin tirinayaa, qofwalba, waxaa la joogaa waqtigii la istirin jiray’… 7-da subaxnimo waa waqtiga quraacda, 8-da subaxnimo waa waqtiga shaqada.”

Ligon ayaa mararka qaar waxa uu ka shaqeyn jiray jikada iyo qolka dharka lagu dhaqo, hasayeeshee inta badan nadaafadda ayuu qaabilsanaa. Markii la qadeeyo kaddibna, shaqadiisa ayuu hore ka gali jiray. Habeenkii ayuu howshaas ka bixi jiray markaas oo markii uu casheeyo maalinku sidaas ugu idlaan jiray – nolosha xabsiga ayaa weli sidaas uun iska ah halka dunida ay tobannaankii sanadood ee la soo dhaafay ay aad isu badashay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here