Maxay Yihiin Labada Arrin Uu Cali Jeyte Sheegay In Uu Ku Garaab Istaagi Doona Madaxweyne Xasan Sheekh?

0
92

Maxay Yihiin Labada Arrin Uu Cali Jeyte Sheegay In Uu Ku Garaab Istaagi Doona Madaxweyne Xasan Sheekh?



Maxay Yihiin Labada Arrin Uu Cali Jeyte Sheegay In Uu Ku Garaab Istaagi Doona Madaxweyne Xasan Sheekh?
September 3, 2023
SHARE0


Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo maalinimadii shalay gaaray Magaalada Maxaas oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in uu diyaar u yahay garab istaaga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Cali Jeyte ayaa sheegay in Soomaaliya ay hadda wajahayso laba dhib, kaas uu balan qaaday in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku garab istaagi doona sidii loo suulin lahaa labadaas dhib.

“Dhibka hadda Soomaaliya ka jira waa midka cadawga iyo kan Siyaasiyiga, waxaa igu balan ah in aan ku garab istaago Madaxweyanah aanan ugu dhaqaaqin meel cidlo ah, waana igu balan inta ay aragtideeda la’egtahay in masiirkooda aan kula dagaalamo,” ayuu yiri Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Cali Jeyte oo warbaahinta kula hadlay magaaladaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu maanta in uu gaaro Magaalada Maxaas oo dhacda xadka ay wadaagaan Gobollada Hiiraan iyo Galgaduud, halkaas oo fariisin u noqon doonta Madaxweynaha maalamaha soo socda.

Magaalada ayaan noqon doonta Magaalo laga abaabulo dagaallada ka socda Gobolka Galgaduud, waxaana muddooyinkii dambe ay fariisin u ahayd Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka kuwaas oo qabtay laba mar Magaalada Wabxbo iyo Degamada Ceelbeer halkaas oo Ciidama Dowladda ay isaga soo baxeen maalmo ka hor.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here