Maxay Tahay Sababta Uu Ruushku U Doonayo In Uu Uqabsado Dalka Ukraine

0
496

Maxay Tahay Sababta Uu Ruushku U Doonayo In Uu Uqabsado Dalka Ukraine

Markii Ruushku weeraray Ukraine 2014 kii, falaago uu hoosta ka taageero madaxweyne Putin yaa qabsatay dhul balaaran oo ah galbeedka Ukraine waxay mudo halkaas kula dagaalamayeen ciidamada Ukraine.

Inkasta oo uu dhacay shirkii nabadda ee Minsk, hadana iska hor-imaadyadu wali way sii socdeen, sidaas daraadeed madaxweynaha Ruushka wuxuu sheegay in ciidamo uu ugu yeeray nabad-ilaalin u diri doono goobaha ay ka taliyaan kooxaha gooni u goosadka.

Reer galbeedku waxay u arkeen arinkaas mid aan micno lahayn oo Moscow dooneyso in ay dhul ka qabsato, kuna duushu wadan ay ku nool yihiin 44 malyan oo dad ah oo daris la ah Midowga Yurub. Bilowgii, waxaa jiray warar sheegayay taangiyo soo gaarayay gobolka Donetsk ee ay maamulaan gooni u goosadku, sawirada satellite kuna waxay muujinayeen ciidamo Ruush ah oo ku sii socda meel u jirta xuduuda Ukraine 15-30km.

Ruushku horay ayuu u muujiyay in uusan doonayn Ukraine oo ku biirto ururada Yurub, Nato iyo Midawga Yurub labadaba. Hadda Putin wuxuu leeyahay Ukraine waa dawlad ay yurub hagto oo aan danaheeda ka fikirin.

Dalabkiisa ugu wayn ayaa ah in reer galbeedku damaanad qaadaan in Ukraine aysan ku biiraynin Nato.

Ukraine horay waxay uga tirsaneed midawgii Soviet, waxay Ruushka la wadaagtaa xiriir bulsha iyo mid dhaqan oo qotodheer.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here