Maxay Tahay Sababta Somaliland Ay U Joojisay Tartankii Kubadda Ee Gabdhaha?

0
391

Maxay Tahay Sababta Somaliland Ay U Joojisay Tartankii Kubadda Ee Gabdhaha?

Somaliland ayaa hakisay tartan ciyaaraha kubadda cagta ah oo lagu waday in magaalada Hargeysa looga furo kooxaha gabdhaha ah ee gobollada Somaliland.

Wasaaradda Ciyaaraha, oo soo saartay amarka ayaa sheegtay in hannaanka ciyaarahaas lagu waday uu yahay mid hareer marsan shareecada Islaamka iyo dhaqankaba.

Agaasimaha ciyaaraha ee Somaliland Cabdirashiid Ceydiid Yaasiin ayaa sharraxaaad ka bixiyay sababaha ay tartankaas u baajiyeen, waxaana uu sheegay in tar-tanka sidii ay Qorsheeyen si ka duwan loo qaban rabay, taasi oo uu uu sheegay in ka wasaarad ahaan aysan u dul qaadan doonin, qorshaha ayaa ahaa in habluhu ay meel asturan ku ciyaaraan oo aysan raggu daawanin, balse dhamaman waxyaabaahas oo idil ayaa meesha laga saaray sida uu hadalka u dhigay.

“Horta Wasaarad ahaan waxaan dhiirrigalinnaa in wiilasha iyo gabdhuhu ay helaan fursado isku mid ah oo dhinaca ciyaaraha ah, laakiin aan baal marsaneyn shareecada Islaamka. Waa in habluhu ay meel asturan ku ciyaaraan, waa in aysan raggu daawanin, waana in aan muuqaalladooda la baahinin oo aan lagu arkin telefishinnada iyo baraha bulshada,” ayuu yiri Cabdirashiid Ceydiid Yaasiin Agaasimaha cayaaraha Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here