Maxay Tahay Heesta Uu Qaaday Fannaanka Caanka Ah Ee Loo Adeegsaday Dhaleecaynta Madaxweynaha Turkiga?

0
347

Maxay Tahay Heesta Uu Qaaday Fannaanka Caanka Ah Ee Loo Adeegsaday Dhaleecaynta Madaxweynaha Turkiga?

Hees uu qaaday fannaan caan ah una dhashay dalka Turkiga oo lagy magacaabo”Tarkan” ayaa si weyn ugu faaftay baraha bulshada iyadoo dadkuna ay siyaabo kala duwan uga falceliyeen..Heesta oo barta Youtube-ka lagu baahiyay khamiistii ayaa saacado kooban waxaa daawaday dad gaaraya 4 milyan oo qof.

Erayada heesta ayaa ku saabsan xaaladdaha ka jira dalka Turkiag gaarahaanna waxay ku soo aadday xilli Turkiga ay ka jirto dhaqaalo xumo, sicir barar gaaray meel sare iyo dhaqo la’aanta dhalinyarada.

Ra’yi ururin la sameeyay ayaa muujiyay in Recep Tayyip Erdogan, oo xukunka hayay tan iyo 2003, uu wajahayo loolan adag doorashada sanadka soo socda, iyadoo ay sare u kacday carada ka dhanka ah xisbigiisa talada haya.

Dadka falanqeeya arrimahaan ayaa aaminsan in heestu ay xambaarsan tahay fariin siyaasadeed, inkasta oo aanu erayada fannaanku ku xusin magaca Erdogan.Dadka qaar ayaa sheegaya in heestu ku saabsantahay xaaladaha cudurka Covid-19.

Siyaasiyiin ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ayaa barta twitter-ka soo dhigay, iyaga oo la wadaagaya erayada heesta dadweynaha isticmaala bartaas.Meral Aksner, oo ah hogaamiyaha xisbiga garabka midig ayaa sheegay in heesta ay ku jirto fariin ku socota Erdogan oo ah in waqtigiisa hogaaminta uu gabogaba yahay.
Fannaanka Tarkan, oo 49 jir ah, waxa uu ku dhashay dalka Jarmalka, waxaana dhalay waalidiin Turki ah, waxaa uu inta badan qaadaa heesaha quseya dunida iyo hadba xaaladaha markaa ka taagan.

Recep Tayyip Erdogan oo markii hore si tartiib tartiib ah oo daggan kusoo galay saaxada siyaasadda wuxuu ugu dambeyn gaaray heer aad u sarreeya, isagoo Turkiga ku sameeyay isbaddal uusan awood u yeelanin hoogaamiye kale tan iyo wixii ka dambeeyay maamulkii Mustafa Kemal Ataturk, oo loo yaqaanno inuu ahaa ninkii aasaasay Jamhuuriyadda hadda jirta.

Laakiin sannadihii dambe waxaa kasii daray hoos u dhaca dhaqaalaha waddankaas. Sicir bararka wuxuu gaaray ku dhawaad 12% lacagta Liirada ee Turkigana waxay aad uga hoos martay doolarka. Fayraska corona ayaa hadda heer aad u xun sii gaarsiiyay dhaqaalaha markii horeba liitay.

Markii uu Erdogan xukunka la wareegay bishii March ee sanadkii 2003-dii qiimaha Liiraha ee lagu kala baddasho doolarka wuxuu ahaa 1.6 – haddana wuxuu sii marayaa wax ka korreeya 8.0.Sannadihii ugu horreeyay ee maamulkiisa waxaa la arkayay sare u kac dhaqaale iyo horumar dhinacyo kala duwan ah.
Sanadkii 2019-kii xisbiga Mr Erdogan ee AKP, ee islaamiga ah, wuxuu ku guuleystay doorashadii qaranka ee heer deegaan, laakiin waxaa looga adkaaday saddexda magaalo ee ugu waaweyn oo kala ah Istanbul, caasimadda Ankara iyo Izmir.

Guul darrada doorashada maayarka Istanbul, oo uu helay xisbiga mucaaradka ah ee CHP waxay dhibaato adag ku ahayd Mr Erdogan, oo maayarka magaaladaas soo ahaan jiray sanadihii 1990-meeyadii.

Mr Erdogan wuxuu markii ugu horreysay kasoo ifbaxay Istanbul oo hadda ay ku nool yihiin qiyaastii 16 milyan oo ruux. Magaaladaas iyo caasimadda Ankara ayaa u suuragaliyay in markii dambe uu la wareego siyaasadda waddanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here