Maxay kawada hadleen MW JFS Xasan Sheekh & Madaxweynihii 9aad JFS Maxamed Farmaajo?
Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Magaalada Dooxa xarunta Dalka Qatar kula kulmay Madaxweynihii 9aad ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyaga oo kawada hadlay xaaladda Dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxweynihii uu ka guuleystay Doorashadii dhacday 15kii May 2022 waa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu la wadaagay dedaalka Dowladda Federaalka ay ku bixisay howlgallada ka dhanka ah ‘AS’.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda Facebook waxa ay ku sheegtay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu Madaxweynihii ka horreeyay la wadaagay sida uu ku billowday halganka ay isu kaashadeen Ciidamada Federaalka & Dadka Deegaanka.
“Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula kulmay magaalada Dooxa ee dalka Qatar Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa la wadaagay Madaxweynihii Hore ee dalka, dadaallada dowladdu ay ku bixinayso xoreynta dalka iyo halganka ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku jiraan ee argagixisada Alshabaab lagu cirib tirayo” sidaasi waxaa lagu yiri qoraalka Villa Somalia.
Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo Magaalada Dooxa uga qaybgalay “Madasha 5-aad ee Qaramada Midoobey ee dalalka soo koraya” waxa uu kulamo gaar gaar ah la qaatay madaxda ka qaybgashay shirkaas iyo mas’uuliyiin kale oo Qatar ku sugan.