Maxay kawada hadlayaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya & Dhiggiisa Turkiga?

0
218

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan kula ballansan dhiggiisa Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo ay kawada hadlayaan dhowr qodob oo muhiim u ah labada dal sida ay xaqiijiyeen diblumaasiyiin kulankaas ku dhow.

Madaxweyne Xasan ayaa warbixin guud ugu horreyn Recep Tayyip Erdogan ka siin doonna Xaaladda Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada Amniga, Siyaasadda, Bani aadamnimada iyo xoojinta xiriirka diblumaasi ee labada Dal.

Marka xigta waxa ay kawada xaajoon doonaan sidii Turkiga uu u kordhin lahaa garab istaagga uu siinayo Soomaaliya tan iyo sanadkii 2011kii iyada oo Xukuumadda Ankara ay dhinaceeda Muqdisho ka gacansiineyso gargaarka, militariga iyo taageerada kale ay u baahan tahay.

Warbaahinta Soomaaliya iyo tan Turkiga ayaa aad u hadal heysa is aragga Labada Madaxweyne oo kulankooda kusoo beegmay xilli xaalado dhinacyada Amniga, Siyaasadda iyo arrimaha Bani aadamnimada faraha kula jiraan Erdogan iyo Xasan Sheekh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here