Maxay Dadka Qaar U Seexdaan Marka Ay Bunka Cabbaan Qaar Kalena Ay Iskaga Waayaan Hurdada?

0
14
xr:d:DAFvGngni20:22,j:706343185452655093,t:23092418

Maxay Dadka Qaar U Seexdaan Marka Ay Bunka Cabbaan Qaar Kalena Ay Iskaga Waayaan Hurdada?

Mar kasta oo aynu bun cabbayno waxa aynu niyadda ku haynaa in uu firfircooni inoo horseedo, waana sababta dad badani balwad uga dhigteen in ay cabbaan marka ay subaxdii hurdada ka toosaan. Laakiin waxaa dhici karta in mararka qaarkood natiijada aynu ka filaynay mid ka duwani ka soo baxdo. Bunka oo aynu cabnay in aynu isku aragno hamaansi ama hurdo dareenno. Arrintan sababteeda ayaa ay khubaradu sheegeen in ay inta badan ku timaaddo sababta bunka aynu cabbayno oo liidata. Waxa se jira marar aanay arrintu ku xidhnayn bunka tatyadiisa.

Warbixin lagu daabacay shabakadda wararka ee ‘Lisa’ oo dalka Ruushka laga leeyahay ayaa Maria Sidova ay ku sheegtay in ay jiraan sababo door ah oo keena in qofku isaga oo bun cabbay uu haddana hurdo dareemo. Waxaa ka mid ah:

caanuhu waxa ay hab-dhiska dheefshiidka ku keenaan gaabis. Gaabiskaasi waxa uu sababayaa in jidhku uu hore u nuugi kari waayo maadaddii Caffeine ee bunka ku jirtay, sidaas awgeed ay maskaxda goor dambe gaadho iyada oo uu qofku u qaatay in bunku aanu wax raad ah ku keenin.

Waxa ay khubaradu sheegeen in bunka caanaha lihi aanu dhinaca saamaynta maadadda Caffeine ta la mid ahayd bunka bigayska ah. Sidaas awgeed haddii aad Caffeine u baahantahay bunka bilaa caano ku cab.

Intee ugu badan bunka aan cabbi karo?
Xeeldheereyaashu waxa ay qiyaasayaan in qofka qaan-gaadhka ahi uu maalintii cabbo qiyaas ah 4 boqol oo miligaraam oo Caffeine ah, waxa ay u dhigantaa saddex illaa afar koob oo bun ah. Nooca Caffeine ta iyo tayadeeda ayaa iyaguna ka qaybqaata raadadka ay qofka ku yeelanayso. Waxa se laga digay in uu qofku uu halkii mar cabbo wax ka badan 2 boqol oo miligaraam.

W/D: Kamaal Marjaan