Maxaad ka taqaannaa xeradii uu Hitler ku xasuuqi jiray Yuhuudda iyo waxa uu ku doortay meeshaas?
27-kii bishii January ee sanadkii 1945-kii, ciidamadii Soviet-ka ayaa si taxaddar leh u galay xerada Auschwitz.
Primo Levi – oo ka mid ah dadkii caanka noqday ee badbaaday – ayaa yaallay isbitaal ku dhex yaalla xerada, isagoo qabay xanuun qandho ah, xilliga ay ciidamada xoreynta halkaas tageen.
Raggii ciidanka ahaa “waxay indho aad u yaxyaxsan ku eegeen meydadkii faraha badnaa ee halkaas yaallay iyo inteennii yareyd ee wali nooleyd”, ayuu goor dambe ku yiri qoraal uu sameeyay.
“Nama aysan salaamin, mana aysan noo dhoollaceddeynin, waxayna u muuqdeen inay aad xumaayeen falalkii meeshaas ka dhacay”.
Ivan Martynushkin, oo ka mid ahaa ciidankii xoreynta ayaa yiri: “Waxay indhaheenna qabteen dad si xun loo jir dilay. Waxaan wajiyadooda ka dareemeynay inay ku faraxsanaayeen in laga badbaadiyay cadaabka ay ku jireen”.
Teleefoonkii Hitler oo lagu xaraashayo Mareykanka
Macbad ay Yuhuud leeyihiin oo ay dad Muslimiin ah daryeelaan
Netanyahu oo caalamka ugu baaqay in loo midoobo sidii looga hortagi lahaa Iiraan
Gurigii Hitler oo laga dhigay saldhig boolis
Muddo afar sano iyo bar gudaheed ah oo kaliya, Naaziyiintii Jarmalka waxay xerada Auschwitz dhexdeeda ku dileen 1.1 malyan oo ruux. Ugu yaraan 1 malyan oo ka mid ah dadkaas waxay ahaayeen Yuhuud.
Dadka xeradaas la geyn jiray waxaa lagu leyn jiray siyaabo kala duwan, sida in gaas lagu buufiyo, in gaajo lagu dilo, in lagu shaqeeyo ilaa inta ay ka dhimanayaan iyo waliba in la dilo iyagoo tijaabooyin caafimaad loo adeegsanayo.
Hase ahaatee badankood waxay ku dhinteen gaaska lagu buufiyay iyagoo ku jira xerada Auschwitz II-Birkenau.
Lix milyan oo Yuhuud ah ayaa guud ahaan lagu dilay xasuuqii ay geysteen Naaziyiinta Jarmalka ee uu horkacayay Adolf Hitler. Laakiin xerada Auschwitz waxaa lagu tilmaamaa inay xuddun u ahayd xasuuqa.
Waa maxay xasuuqa Yuhuudda ee loo yaqaanno “Holocaust”?
Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image caption
Naaziyiinti waxay burjukooyin biro ka sameysan ku gubi jireen meydadka dadka ay dileen
Markii uu Xisbigii naasiga la wareegay awoodda Jarmalka, sanadkii 1933-kii, waxaa billowday in dadka Yuhuudda ah laga qaato hantidooda, dhammaan xuquuqda sharci ee ay leeyihiinna laga xayuubiyo.
Sanadkii 1939-kii, Jarmalka wuxuu qabsaday waddanka Poland, isla markiina Naaziyiinta waxay billaabeen inay meel isugu geeyaan dadka Yuhuudda ah, iyagoo ka dhex saaraya dadweynaha kale.
1941-kii, markii ay ciidamadii Jarmalka xoog ku galeen Ruushka oo markaas loo yaqaannay USSR, waxaa billowday ol’olaha lagu sii ballaarinayay xasuuqa Yuhuudda.
Dadkii Naaziyiinta ahaa waxay falkaas ku micneeyeen dagaal tartan ah oo u dhaxeeyay iyaga iyo dadka Yuhuudda ah.
Maxay tahay xerada Auschwitz?
Image caption
Muuqaal dusha sare ah oo laga qaaday xerada Auschwitz
Auschwitz markii hore waxay ahayd xero milatari oo ay ciidamada Poland ku lahaayeen koonfurta waddankaas.
Naaziyiintii Jarmalka ayaa Poland qabsaday bishii September ee sanadkii 1939-kii, markii la gaaray bishii May ee sanadkii 1940-kiina waxay goobtaas ka dhigeen xabsi lagu xiro maxaabiista siyaasadda.
Intii uu xasuuqa socday Jarmalka wuxuu si fiican u dhisay xeradaas, waana lasii ballaariyay.
Kooxdii ugu horreysay ee gaaska loogu buufiyay xeradaas waxay ahaayeen maxaabiis u dhashay Poland iyo Soviet-ka, kuwaasoo la laayay bishii September, 1941-kii.
Goobtaas waxaa dadka lagu leynayay ilaa bishii November ee sanadkii 1944-kii, dadka la dilana waxaa meydadkooda lagu gubayay burjukooyin ka sameysan biro.
Markii xerada Auschwitz la xoreeyay ugu dambeyntii, waxaa ku yaallay ilaa 40 xero oo gudaheeda laga sii sameeyay.
Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image caption
Ciidamada waardiyaha ah ayaa leyn jiray dadka ku jira xerada
Dadka laga kala keeni jiray guud ahaan qaaradda Yurub ayaa lagu qaadi jiray kunteenarro aan lahayn daaqado, musqulo, meelo la fariisto, cuntana lama siin jirin ilaa laga geeyo xerada Auschwitz.
Ka dib waxaa loo kala saari jiray kuwo awood u leh inay shaqeeyaan iyo kuwa si deg deg ah loo dilayo.
Gaas awood badan oo loo yaqaanno Zy