Maxaa sababay in Venezuela xirto safaaraddeeda ku taalla dalka Norway?

0
10

Maxaa sababay in Venezuela xirto safaaraddeeda ku taalla dalka Norway?

 

Dowladda Venezuela ayaa ku dhawaaqday inay xirayso safaaraddeeda ku taalla magaalada Oslo ee dalka Norway, iyadoo tallaabadan ay timid maalmo yar kaddib markii hoggaamiyaha mucaaradka dalkaas Maria Corina Machado lagu dhawaaqay inay ku guuleysatay abaalmarinta caalamiga ah ee Nobel Peace Prize ee sanadkan 2025.

 

Tillaabadaan ay qaaday dowladda Venezuela ayaa loo arkaa mid ay kaga carootay abaal marinta la siiyay Maria Corina Machado, oo tan iyo 2024 lagu eedeyay in ay khatar ku tahay nabad galyada dalkaasi.