Maxaa sababay in Tiktok laga mamnuuco gudaha Mareykanka?

0
11

Maxaa sababay in Tiktok laga mamnuuco gudaha Mareykanka?

TikTok, oo ah aaladda caan ah looguna wadaago Muuqaallo gaagaaban ayaa laga xiray guud ahaan gudaha dalka Mareykanka, iyada oo ay jiraan arrimo gaar ah oo sababay arrintaasi.

 

TikTok, oo ay leedahay shirkadda Shiinaha ee ByteDance, ayaa lala xariirinaya in ay lug ku leedahay dowladda Shiinaha oo ay Mareykanka is hayaan. Mareykanka ayaa ka walaacsan Amnigiisa iyo in xogta muwadiniinta dalkaasi in ay gacanta u gasho Shiinaha.

 

Waxaa isi soo taraya walaaca ay muujinayaan dadka Mareykanka ah ee lacagaha sida joogtada ah uga heli jiray Tiktok, kuwaasi oo wajahaya dhaqaalo xumo iyo shaqo la’aan.

 

Madaxda Shirkadda Tiktok ayaa muujinaya rajo ah in dib Mareykanka looga isticmaali doono Aaladan muuqaallada kooban lagu wadaago. Madaxweynaha doooran ee Mareykanka Donald Trump, ayaa dadka uu ku casuumay xafladiisa caleema saarkiisa waxaa kamida Madaxa Shabakadda Tiktok.

 

Trump ayaa xilligii olalahiisa Doorashada Mareykanka waxaa uu si wayn u isticmaalay bartaan Tiktok.