Maxaa looga hadlayaa shirka MW Jamhuuriyadda uu ka qabygalayo ee maanta ka furmaya Kampala?

0
291

Maxaa looga hadlayaa shirka MW Jamhuuriyadda uu ka qabygalayo ee maanta ka furmaya Kampala?

Magaalada Kampala caasimadda Uganda waxaa maanta ka furmaya shir ay ka qaybgalayaan Madaxweynayaasha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud & Uganda Yoweri Museveni oo qayb ka yihiin Ganacsatada labada Dal.

Shirkaan maanta ka furmaya Kampala waxaa diiradda lagu saarayaa “Ganacsiga & Maalgashiga” ganacsatada labada dhinac ayaa soo bandhigaya fursadaha la maalgashan karo ee bannaan sida ay xaqiijiyeen ilo ku dhaw kulanka.

Gabagabada shirka loo qorsheeyay in uu socdo 3da cisho waxaa lagu wadaa in warmurtiyeed laga soosaaro si loo muujiyo qodobada ay isla meel-dhigeen dhinacyada ka qaybgalaya kulanka iyo waxyaabaha ay u arkeen in diiradda la saaro.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kahor inta uusan dalka ka safrin waxa uu la kulmay qaar kamid ah Ganacsatada Soomaalida ee shirka ka qaybgaleysa iyaga oo diiradda saaray qodobada muhiimka ah ee ay la shir tagayaan.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan ayaa lagu wadaa in uu la kulmo qaar kamid ah Ganacsatada Soomaalida ee Uganda ku sugan si uu uga dhageysto warbixin la xiriirta dhibaatooyinka heysta, kaalinta ay ka qaadan karaan fursadaha bannaan & ka qaybgalka doorka uga furan wax ka qabashada dhibaatooyinka Dhaqaale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here