Maxaa looga hadlayaa meertada 80aad ee Shirka Qaramada Midoobay?
Kulanka u dhaxeeya Madaxda Dalalka Xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa berri ka furmaya Magaalada New York ee Dalka Maraykanka, Meertadaan oo ah tii 80aad waxaa looga hadlayaa qodobo isku sidkan oo doodo la xiriira qodobadaas ay isaga hor imaan doonnaan mas’uuliin kala duwan.
Shirkaan ayaa xooggiisa soconaya 22ka ilaa 27ka September iyada oo lasoo xiri doonno 29ka Bishaan, maalin weliba waxaa laga miiska lasoo saari doonnaa qodobo horay loo diyaariyay oo dood adag ay ka yeelanayaan madaxda Dalalka Xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ee madasha ku sugan.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u ambabaxay Magaalada New York si uu uga qaybgalo shirkaan Qaramada Midoobay, waxa uu jeedin doonnaa khudbad uu uga hadlayo Dalka.