Masaajid Lagu Burburiyey Gudaha Kenya Iyo Xildhibaan Si Kulul Uga Hadlay

0
316

Masaajid Lagu Burburiyey Gudaha Kenya Iyo Xildhibaan Si Kulul Uga Hadlay

Waxaa la burburiyay mid kamid ah masaajidda ugu waaweyn Kenya kaas oo ku yaalla deegaanka Kiboi oo dhaca gobolka Kisumu ee galbeedka Kenya, sida ay ku warrameen qaar kamid ah warbaahinta Kenya.

Waaxda tareenada ee Kenya ayaa qaaddy howlgal ay ku burburineyso guryo iyo dhismooyin ku yaalla halkaas oo ay sheegtay in si sharci darro ah ay dadka ku degnaayeen dhulkaas .

Dadka deegaanka ayaa dhaleeceeyay tallaabada lagu burburiyay guryaha iyo masaajidka. Xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo laga soo doorto bartamaha Gaarisa ayaa cambaareeyay tallaabada lagu burburiyay masaajidka kuna tilmaamay mid khalad ah oo kasoo horjeedo diinta Islaamka.

Wuxuu intaas ku daray in masaajidka la dhisay sanadkii 1938-dii oo ay saddexdii subaxnimo burburiyeen waaxda tareenada ee Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here