Markab Dagaal Ay Leedahay Dowlad Oo Dab Xoog Leh Qabsaday

0
312

Markab Dagaal Ay Leedahay Dowlad Oo Dab Xoog Leh Qabsaday

Wakaalladda Wararka Iran ee FARS ayaa saakayto sheegtaay inuu dab ka kacay Markab dagaal meel ku dhow Afaafka hore ee Gacanka Cumaan.

Markabkaasi ayaa waxaa uu qeyb ka ah Maraakiib Dagaal oo Carbis Milliteri ka waday meel ka baxsan Xeebaha dalka Iran. Kooxaha Dab-damiska ayaana ka qeyb galay Daminta dabka ka kacay Markabkaasi oo ku sugnaa meel ku dhow Dekedda magaalladda Jaasak ee dalka Iran.

Badmaaxiintala socotay Markabkaasi ayaa waxaa la sheegay in la soo badbaadiyey, iyadoo aan wax faahfaahin ah laga bixinin waxa sababay dabka ka dhex kacay Markabkaasi.

Bishii April ee sanadkan, Markab Dagaal oo ay Iran leedahay ayaa waxaa lala beegsaday Qarax, iyadoo ay Wararku sheegeen in Markabka ay la kacday miino nooca Soo-boodaada ah.

Sanadkii la soo dhaafay, Markab Dagaal oo ay Iran leedahay ayaa waxa si kedis ah ugu dhacay Gantaal, xilli uu Carbis Milliteri socday, iyadoo ay 19 Badmaax ku geeriyootay, halka ay 15 kalena ku dhaawacmeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here