Mareykanka oo xayiraad la damacsan Gabdho uu dhalay Madaxweynaha Ruushka.

0
440
Russian President Vladimir Putin (C), his wife Ludmila (R) and daughter Maria (2ndL) enter a Moscow polling station, on December 2, 2007, to cast their votes in Russia's parliamentary elections. AFP PHOTO / ALEXANDER NEMENOV (Photo credit should read ALEXANDER NEMENOV/AFP via Getty Images)

Mareykanka oo xayiraad la damacsan Gabdho uu dhalay Madaxweynaha Ruushka.

Xoghayaha Warfaafinta Aqalka Cad Jen Psaki aya sheegtay in Mareykanka uu qorsheynayo in uu cunaqabateyn dheeraad ah kusoo rogo Maalqabaneennada Ruushka, Qoyska Putin iyo dhammaan shaqsiyaadka ku dhaw Aqalka Kremlin-ka.

Jen Psaki ayaa arrintaan ku tilmaamtay tallaabo hoos loogu dhigayo dhaqdhaqaaqa Ruushka ee dhanka dhaqaalaha si loo xoojiyo xayiraad horay loo saaray sabab ka dhalatay duullaanka uu ku qaaday Ukraine 24-kii Febaraayo 2022.

Mareykanka ayaa soo jeediyay in la xoojiyo cadaadista xayiraadda dhaqaale ee Ruushka lagu beegsanayo si dhaawac dhanka dhaqaalaha ah loo gaarsiiyo si ugu yaraan Moscow ay u joojiso duullaanka Ukraine sida ay hadalka u dhigay.

Wargeyska Wall Street Journal ayaa daabacay in Washington ay ka fiirsaneyso ballaarinta cunaqabateynta ka dhanka ah Ruushka gaar ahaan badhaha uu dhalay Madaxweyne Vladamir Putin inkasta oo ay jiraan saraakiil qasab ka dhigaya in xayiraad la saaro gabdhahaas.

Washington ayaa u xusul-duubeysa in dagaalka ka dhanka ah duullaanka Moscow ee Kyiv looga falceliyo xayiraad dhanka dhaqaalaha si hoos loo dhigo faaiidada waxsoosaarka Ruushka uu ka helo waxyaabaha uu soosaaro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here