Mareykanka Oo Ka Hor Yimid Baaritaan La Doonayay In Lagu Sameeyo Xasuuqii Gaza

0
344

Mareykanka Oo Ka Hor Yimid Baaritaan La Doonayay In Lagu Sameeyo Xasuuqii Gaza

Golaha Xuquuqda Aadanaha Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay in la baaro dagaalkii dhowaan dhex maray Israa’iil iyo Xamaas.

Guddiga ayaa ansixiyay qaraarka, oo ay soo gudbiyeen qaar ka mid ah dalalka Islaamka.

Balse Mareykanka ayaa sheegay in go’aankan uu qalqal gelinayo hannaanka xasiloonida loogu soo dabaalayo gobolka.

 

Ugu yaraan 242 qof ayaa lagu dilay Gaza iyadoo 13 kalena lagu dilay Israa’iil 11-kii maalmood ee uu socday dagaalka oo soo afjarmay Jimcihii la soo dhaafay kaddib dhexdhexaadintii Masar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here