Mareykanka oo gacanta ku dhigay nin isku deyayay inuu gubo safaaradda Mareykanka ee Israa’ii

0
58

Mareykanka oo gacanta ku dhigay nin isku deyayay inuu gubo safaaradda Mareykanka ee Israa’ii

Nin heysta labo dhalasho oo kala ah dalalka Mareykanka iyo Jarmalka ayaa la xiray Axadii, kadib markii lagu eedeeyay in uu isku dayay in uu gubo safaaradda Mareykanka uu ku leeyahay magaalada Tel Aviv ee Israa’iil, sida laga soo xigtay waaxda cadaaladda.

 

Saraakiisha ayaa sheegay inay xabsiga u taxaabeen Joseph Neumayer oo 28 jir ah, kaas oo lagu xiray garoonka diyaaradaha ee John F Kennedy ee magaalada New York.

 

Mas’uuliyiinta Israa’iil ayaa masaafuriyay ninkan, kadib markii lagu arkay walxaha qarxa xili uu marayay meel u dhow safaaradda

 

Mr Neumeyer ayaa ka soo muuqday maxkamada Axadii, waxaana lagu hayaa xabsiga, sida ay sheegtay waaxda cadaaladda.

 

“Eedaysanahaan waxaa lagu soo oogay inuu qorsheynayay weerar ba’an oo lagu bartilmaameedsanayo safaaradeena Israa’iil, hanjabaad dil ahna u diray muwaadiniinta Maraykanka ah, iyo nolosha madaxweyne Trump,” ayay tiri xeer ilaaliyaha guud Pamela Bondi.

 

Xarigan ayaa kusoo beegmaya maalmo un kadib markii nin hubeysan uu laba ka mid ah shaqaalaha safaaradda Israa’iil ku dilay bannaanka madxafka yuhuudda ee magaalada Washington ee dalka Mareykanka.

 

Saraakiisha Federaalka ayaa sheegay in Mr Neumayer uu yimid Israa’iil bishii Abriil isla markaana uu19-kii May aday safaaradda Mareykanka ee Tel Aviv, isagoo wata boorso midab madow ah.