Mareykanka: Gabar Soomaaliyeed oo ku guuleysatay tartanka quruxda haweenka Muslimiinta ah

0
441

Mareykanka: Gabar Soomaaliyeed oo ku guuleysatay tartanka quruxda haweenka Muslimiinta ah

Sahra Abuukar oo ah gabar Soomaaliyeed oo qaxooti ku ah dalka Mareykanka ayaa ku guuleysatay tartanka quruxda hablaha Muslimiinta ah ee Mareykanka.

Waxay sheegtay inay dooneyso inay tusaale u noqoto haweenka Muslimiinta ah.

Sahra waa naqshadeysaa dharka, ayada ayaana tolata inta badan dharkeeda. “Marka aad maqasho cabaayad, waxa ugu horreeya ee kugu soo dhacaya waa shuko madow. Waan jeclahay madowga, waa kalar dookheyga ah. Balse marka ay cabaayad noqoto, waxaan jeclahay kalarrada muuqda.” Ayay tiri.

Gabadhan oo 23 sano jir ah ayaa ku nooleyd Turkiga muddo toddoba sano ah kahor inta aysan u wareegin Mareykanka, sanadkii 2014.

Tartankan oo sanadkii afaraad la qabanayo ayaa waxaa sanadkan ku tartamay 15 hablood oo da`doodu u dhaxeyso 15 ilaa 30.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here