Mareykanka: “Deeqda aan bixino sadaqo maahan, waa in ay u adeegaysa danaheena Qaranka”
Xogyaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Marco Rubio ayaa ka hadlay deeqaha Mareykanka bixiyo ee la siiyo Bulshada Caalamka.
Xoghaya ayaa si cad u sheegay in deeqdaasi iyo lacagaha taageerada ee ay bixiyaan aysan aheyn sadaqo, balse ay muhiim tahay in lagu bixiyo meel u adeegaysa danaha qarankiisa.
“Deeqda aan bixino sadaqo maahan, waa in ay u adeegaysa danaheena Qaranka, waxaan u baahanahay in aan naqshadeyno Waaxda Arrimaha Dibadda taas oo wax ka qabata” ayuu yiri Xogyaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Marco Rubio
Hadalka Xoghayaha Arrimaha Dibadda ayaa ku soo aadaya xilli Mareykanka joojiyay deeqo badan oo ku bixin jiray dalal ay kamid taha Soomaaliya.
Maamulka Donald Trump ayaa meesha ka saaray Hay’adda USAID oo bixin jirtay gargaarka dibadda ee caalamiga ah.