Maraykanka oo Gaza u diray Markab wada qalabka lagu dhisayo Dekedda kumeel-gaarka ah.

0
71

Dowladda Maraykanka ayaa Bariga Dhexe u dirtay Markab wada qalabka lagu dhisayo Dekedda Kumeel-gaarka ah ee Xukuumadda Washington sheegtay in laga dhisayo Magaalada Gaza oo ay ka taagan tahay xaalad uu dalkaani qayb ka qaadanayo mas’uuliyaddeeda.

Maraykanka ayaa qalabkaan ku sheegay in uu ugu gol-leeyahay in lagu dhiso Deked kumeel-gaar ah oo uu ku tilmaamay in laga dejinayo gargaarka bani aadamnimo ee loogu talagalay in la siiyo Dadka dhibaataysan ee Falastiin.

Markabkaan oo lagu magacaabo General Frank S Besson ayaa ka shiraacday xero ciidan oo ku taalla Gobolka Virginia ee Dalka Maraykanka waxaana uu si toos ah ugu xiranayaa Magaalada Gaza si qalabka uu wado looga dejiyo.

Dad badan ayaa tallaabada cusub ee Maraykanka ka bixiyay fasiraad kala duwan iyaga oo su’aalo iska waydiinaya waxa Washington ku qasbaya in ay deked kumeel-gaar ah samayso iyada oo cilaaqaadka kala dhaxeeya Israaiil uu wanaagsan yahay.

Dad u badan Carruur iyo kuwo Da’ ah ayaa la dhibaataysan macluusha ka dhalatay cunno la’aanta ka jirta Magaalada Gaza maadaama Israaiil ay go’doon dhinaca cunnada ah ay galisay Magaaladaas sabab la xiriirta in uu ku adkaaday dagaalka Xamaas.

La soco wixii kasoo kordha