Maraykanka oo eryay Safiirka Koofur Afrika ee Dalkiisa
Dowladda Maraykanka ayaa go’aan culus ku qaadatay in ay ceyriso Safiirka Koofur Afrika ee Dalkeeda Ibraahim Rasuul sida uu shaaciyay Xoghayaha arrimaha dibadda Dalkaas Marco Rubio oo qoraal soo dhigay Bartiisa Twitter (X).
Xoghaye Rubio ayaa sheegay in Safiirka uu yahay danjire aanay looga baahnayn Dalkiisa (PERSONA NON GRATA) maadaama uu kamid yahay Dad ka shaqeynaya dhibaateynta Dadka Caddaanka ah ee Koofur Afrika looga badan yahay.
Koofur Afrika weli kama jawaabin tallaabada Maraykanka ee lagu eryay Safiirkii u joogay Washington, tallaabadaan waxa ay muujineysaa in xiriirka labada Dal uu gaaray meeshii ugu dambeysay mar haddii la eryay Danjire.

“Safiirka Koofur Afrika ee Mareykanka mar danbe lagama soo dhaweynayo dalkeenna. Ma jirto wax aan kala hadli karno, sidaas darteed waxaa loo aqoonsaday shakhsi aan garaado laheyn PERSONA NON GRATA.” Ayuu yiri Marco Rubio.
Waxaa la sugayaa jawaabta ay bixin doonto Koofur Afrika ee la xiriirta go’aanka lagu ceyriyay Danjire Ibraahim Rasuul, waxaa ka dhashay hadal hayn badan iyada fasiraad kala duwan laga sii bixinayo warcelinta Cape Town ka imaan doonto.