Maraykanka & Ingiriiska oo iska kaashaday duqeymo dad badan ay ku dhinteen oo ka dhacay Yemen

0
24

Maraykanka & Ingiriiska oo iska kaashaday duqeymo dad badan ay ku dhinteen oo ka dhacay Yemen

Diyaaradaha Dagaalka ee Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa iska kaashaday weerar cirka ah oo si wadajir ah uga fuliyeen dhowr Magaalo oo Yemen ah, inta la xaqiijiyay waxaa ku dhimatay 20 qof halka uu dhaawaca intaas ka badan yahay.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo qoraal ku saabsan weerarkaan soo geliyay barahiisa Xiriirka Bulshada ayaa ku sheegay in ujeedka uu noqdo joojinta Xuuutiyiinta weerarrada ay ku beegsanayaan Maraykanka iyo xulufadiisa.

“Kooxda burcada ah oo ay maalgaliso Iiran ayaa weeraro gantaallo ku riday maraakiibta Maraykanka waxayna bartilmaameedsadeen ciidamadeena iyo kuwa xulufada” ayuu Trump ku yiri qoraal u soo dhigay barihiisa bulshada.

Trump ayaa kooxda Xuutiga ah isugu daray magacyo badan oo kala duwan sida in ay yihiin Burcad badeed, Colaad u joog ah, Argagixiso iyo ereyo kale oo Maraykanka uu u adeegsado qofka uu doonayo in uu bartilmaameedsado.

Sarkaal u hadlay Xuutiyiinta ayaa dhankiisa sheegay in jawaab ay u qalmaan Maraykanka iyo Ingiriiska in ay siin doonnaan, ma cayimin goobta ay ku aargudanayaan, nooca weerarka iyada oo su’aalo badan la iska weydiinayo falcelinta Xuutiyiinta.